Waxa magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi Maalinti Shalay lagu qabtay munaasabad balaaran oo loogu magac daray Soo dhaweynti Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Sagootinti Gudoomiyihi hore ee gobolka Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).
Munaasabadaani oo aheed mid siweyn ee usoo qaban qaabiyeen dhamaan jaaliyada Soomaalida ee kunool magaalada Nairobi ayaa waxa kasoo qeybgalay, Culuma’udiin, Siyaasiyiin, Ganacsato, Haweyn iyo Dhalinyaro iyadoo sidoo kale madasha xaflada kadhaceysay lagu xardhay sawirada gudoomiyayaasha xilka isu baneenaya.
Marti Sharafta kasoo qeybgashay Xaflada ayaa waxa kamid ahaa Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi, Xildhibaan Yuusuf Xasan iyo sidoo kale safiirka Soomaaliya ufadhiya magaalada Nairobi, Mudane Maxamed Cali Ameeriko iyo Xildhibaano kale oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale xaflada waxa qeyb libaax leh kaqaatay bar baarta gaashaaman kuwaasi oo shirib aad umacaan badan oo duco iyo dhiiro gelin isugu jirta udiray gudoonka cusub iyo kii hore ee xilka baneeyay.
Laashimiinta sida weyn goobta maanta uga muuqday ayaa waxa kamid aheed laashimada Maamo Raagto oo sidoo kale kamid aheed gudigi ganacsatada ee isu xilsaaray habsami uqabsoomida xafladaani.
Xildhibaan Yuusuf Xasan oo madasha kahadlay ayaa ugu horeen kamahad celiyay casumaada ee ufidisay jaaliyada isagoo hogaanka cusub ee gobolka Banaadir Mudane Muungaab urajeeyay karti iyo hufnaan isagoo Alle uga baryay inuu noqdo kii dib usoo celiya Muqdishadi uu idhihiisa kusoo arkay xili uu katirsanaa xildhibaanka wariyayaasha ushaqeeya BBC-da .
"Aniga Waxa Muqdisho iigu dambeesay iyadoo maqaam sare kajoogto caasimadaha Afrika xiligaas oo aan ushaqeynaayay BBC-da waxana alle ka baryayaa inuu Muungaab kadhigo kii sharafkaas dib usoo celin lahaa”, ayuu yiri mudane Xildhibaan Yuusuf Xasan.
Xildhibaanka oo qalbigiisa ee buuxisay farxad ayaa kajawaab celiyay shirib duco ah oo bar baarta gaashaaman ee kadhaheen waxqabadkiisa iyagoo kutilmaamay inuu yahay mas’uul mar walba u hiiliya dadka danyarta ah.
"Aad bee ii farxad galineesaa iina dhiiro galineesaa guubaabadiina waxana idin balan qaadayaa inta aa noolaha amaba aan mas’uuliyadaani haayo inaan idin hiilin doono oo sharci daradada la idinki dhibo aan wax badan ka qaban doono” ayuu yiri xilidhibaanka isagoo sidoo kale Xaafada Islii kutilmaamay ineey noqon doonto mid ee xurnimo kudareemaan Soomaalida laguna mataaneen doono magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Safiir Maxamed Cali Ameeriko ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Gudoonka Cusub ee gobolka banaadir Mudane Muungaab isagoo dhanka kalena sii sagootiyay Mudane Tarsan duqi hore ee Muqdisho isagoo tilmaamay in Muqdisho wax badan ee iska badashay uuna yahay mid booqda bishi mar uuna ka war haayo isbadalada kasocda.
Safiirka oo ee katan badisay farxada madasha ayaa tuuray Shirib Afareey taasi oo mar qura dhalisay iney usara istaagaan dhamaan kasoo qeybgalayaashi Xaflada .
Dhamaan mas’uuliyiinti madasha kahadashay ayaa usoo jeediyay duco iyo dhiiro gelin, Duqa cusub ee magaalada Muqdisho mudane Muungaab halka sidoo kale ee sii sagootiyeen gudoomiyihi hore mudan tarsan iyagoo kutilmaamay mudane Tarsan inuu yahay muwaadin taariikhda Xusi doonto .
Gabagabadi Xaflada ayaa waxa qadka telfoonka soo galay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), gudoomiyaha ayaa ugu horeen umahad celiyay dhamaan dadki soo abaabulay xaflada iyo kuwi kasoo qeybgalay isagoo dhanka kalena dalbaday iney taageero lagarab istaagaan maamulkiisa cusub iyo himilada ee doonayaan iney ku xaliyaan magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Cusub ayaa madasha kabalan qaaday inuu la imaan doono karti, Daacad iyo mas’uuliyad kudhisan cadaalada uuna rajeynaayo in sida ugu dhaqsiyaha badan la arko magaalada Muqdisho oo noqoto meel ka caagan amaan darida.
"Waxa doonayaa inaan hergeliyo maamul kudhisan Cadaalad iyo karti waxa kalya taasi aan ku suura galin karo waa idinka oo garab istaaga maamulkiina”, ayuu yiri mudane Muungaab .
Dhamaan kasoo qeybgalayaasha Xaflada ayaa waxey qireen inuu mudane Muungaab yahay Mas’uul kuhaboon xiligaani daadihinta maamulka gobolka Banaadir gaar ahaan xasilinta dhanka Amaanka iyagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ee kudiirsadeen mudadi uu ahaa gudoomiyaha maxakamada Ciidamada xooga dalka Soomaaliya.
Mudane Muungaab ayaa tarn iyo marki loo magacaabayo duqa magaalada Muqdisho waxa gudaha iyo dibada dalka laga sameeyay munaasabado lagu soo dhaweynaayo magacaabistiisa iyadoo shacabka Soomaaliyeed guud ahaana ee u arkeen inuu yahay Jananka mid kuhaboon Hogaanka Gobolka Banaadir eena rumeesan yihiin in waxbadan uu ka qaban doono amaan xumida kajirta Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho
Dhanka hoose ka aqri magacyadi Mas’uuliyiinti kahadashay madasha kuwaasi oo isugu jiray, Culuma’udiin, Siyaasiyiin, Ganacsato, Odoyaal iyo Haweyn.
•Sheekh Axmed Xuseen (Aayadaha Qur’aanka )
•Xildhibaan Yuusuf Xasan (Xildhibaan)
•Safiir Maxamed Cali Ameeriko (Safiir)
•Xildhibaan Maxamuud Maxamed Soofey (Xidlhibaan)
•Xaaji Ibraahim (Ganacsato)
•Sheekh Cabdulaahi Macalin Yaxye (Ganacsato)
•Nabadoon Axmed Xaashi (Dhaqanka)
•Suldaan C/raxman (Dhaqanka)
•Maxamed Xasan Shakuur (Dhaqanka)
•Maxamed Xaashi (Dhaqanka)
•Jawaahir Xaashi (Haweynka)
•Xaawo Daash (Haweynka)
•Muxibo Sheekh Cumar (Haweynka)
W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
E-mail: farxad95@hotmail.com
Nairobi Kenya
Jaaliyadda Soomaalida Nairobi oo Soo dhaweysay Muungaab siina sagootisay Tarsan (Daawo Sawiro)
Waxa magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi Maalinti Shalay lagu qabtay munaasabad balaaran oo loogu magac daray Soo dhaweynti Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Sagootinti Gu