Dowladda Ugandha oo wadnaha farta ku heyso iyo hanjabaad uga timid Al-shabaab

0
Tuesday March 18, 2014 - 13:54:54 in Wararka by
  • Visits: 1668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Ugandha oo wadnaha farta ku heyso iyo hanjabaad uga timid Al-shabaab

    Dowladda Dalka Ugandha ayaa waxa ay cabsi xoogan ka qabtaa weeraro ay dalkeeda ka fuliyaan Al-shabaab, xilli Cali dheere uu hanjabaad hawada u mariay madaxda dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Dalka Ugandha ayaa waxa ay cabsi xoogan ka qabtaa weeraro ay dalkeeda ka fuliyaan Al-shabaab, xilli Cali dheere uu hanjabaad hawada u mariay madaxda dalkaasi.
Ku-xigeenka Afhayeenka Boliska Ugandha, Onyango Patrick ayaa shaaciyey inay Boliska Uganda heegan buuxa la geliyey, kadib, markii la helay digniino culus.

Sarkaalka waxa uu ka digay inay suurto-gal tahay inay xubno ka tirsan Xarakadda Alshabaab weeraro la beegsadaan Kaalimaha Shidaalka lagu iibiyo.

Onyango Patrick ayaa yiri: "Waxaan helnay Warbixin dhinaca Sirdoonka, kaasi oo tilmaamayo inay Alshabaab qorsheynayso inay weeraraan Haamaha shidaalka ee Transitka ku ah Ugandha iyo Saldhigyadda shidaalka lagu iibiyo”.

Ciiddanka Boliska Ugandha ugu qaabilsan La-dagaalanka Argagixisadda ayaa la sheegay inay soo gelbin doonaan gaadiidka shidaalka ka soo qaada Degmooyinka Busiya iyo Malaba oo ku yaalla xuduudka Uganda la wadaagto Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddamo dheeraad ah dhigeen goobaha muhiimka, iyadoo Hay’adaha Ammaanka la geliyey heegan buuxa.

Ku-xigeenka Afhayeenka Boliska Ugandha, Onyango Patrick waxa kaloo uu tilmaamay inay Boliska ilaalo ka qaban doonaan dhamaan Kaalimaha Shidaalka ee ku yaalla guud ahaan dalka Uganda.

Waa markii Labaad ee sannadkan gudihiisa oo ay Boliska Uganda ka digaan inay  Alshabaab qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan Uganda.

Bishii February ee la soo dhaafay, Safaaradda Maraykanka ee ku taalla caasimadda dalka Ugandha ee Kampala, ayaa ka digtay suurto-galnimadda weerarro ka dhaca dalka Ugandha, inkastoo aysan Safaaraddu sheegin cidda fulin rabtay weerarkaasi.

Afayeenka guud ee  Alshabaab Cali dheere ayaa horey ugu hanjabay inay weeraro ka geysan doonaan dalalka ay Ciiddamadda ka joogaan dalka Somalia.

Sikastaba Bishii July ee sannadkii 2010-kii, qraxayo ayaa waxaa lala beegsaday magaalladda Kampala, iyadoo lagu dilay 79 qof oo daawanaysay Tartankii K/Cagta ee Adduunka oo dalka Koonfurta Afrika lagu qabtay.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip