Raafki Kenya oo galay Maalinti 7,aad, Warbixin + Sawiradi udambeeyay

0
Monday April 07, 2014 - 21:43:00 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raafki Kenya oo galay Maalinti 7,aad, Warbixin + Sawiradi udambeeyay

    Waxa maalinti todobaad galay raafki xoogana ee kadhanka ahaa Soomaalida kunool magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maalinti todobaad galay raafki xoogana ee kadhanka ahaa Soomaalida kunool magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxa wili socoto qeylo dhaanta kasoo yeereesa Hay’adaha Qaramada midoobe ee udooda Xuquuqda aadnaha, Ganacsatada Soomaalida iyo guud ahaan Beesha Caalamka oo dhamaan kawada kululaaday hab dhaqanka ciidamada amaanka Kenya .

Kenya wili dhagta uma dhigin dhamaan dhaleeceenta ka imaaneeso dhinyacada kala gadisan waxena sii laba jibaartay howlgalada lagu baacsanayo Soomaalida.

Xaafadaha, 4th stree, 6th Street ilaa 7th Street ayaa kamid ah goobaha sida weyn aan looga dul kicin maalin iyo Habeen iyadoo dadku ee qaati ka taagan yihiin ciidamada aan naxariista laheen ee sida xoogan usoo galaya guryaha Shacabka.

Xaalada ayaa sii xumaatay kadib marki lagu bad baadi waayay Suuqyada kuyaalo Xaafada Islii oo hore u ahaa goobo ka caagan hubka iyadoo maalinti shalay la baaray suuqa ugu weyn ee Soomaalida AMAL Plaza iyadoo sidoo kalena maanta lagalay Suuqyada PRIME iyo MUBAARAK sida la hadal haayana ee ciidamada iyo Eeyahoodaba ubalan san yihiin suuqyada kale ee haray.

Soomaalida laxiro ayaa waxa wili lagu daad gureynayaa Garoonka Kasaraani oo sida la sheegay ah goob loogu talagalay in maxaabiista Soomaalida looga masaafuriyo dalkoodi Hooyo.

Xaalka waa mid cakiran hasa yeeshe wixi kusoo kordha kala soco wararkeena danbe


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip