Isku Aadka Wareegga Semi-finalka Koobka UEFA oo Maanta la Shaaciyay

0
Friday April 11, 2014 - 19:37:29 in Sports by Web Admin
  • Visits: 2615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku Aadka Wareegga Semi-finalka Koobka UEFA oo Maanta la Shaaciyay

    Kulanka xiisaha badan ee kasoo dhex baxay isku -aadkan waxaa uu dhex maridoonaa kooxda Real Madrid oo haysata koobabka ugu badan ee tartankan iyo kooxda Bayern Munich oo sanadkii hore ku guulaysatay Uefa Champions League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka xiisaha badan ee kasoo dhex baxay isku -aadkan waxaa uu dhex maridoonaa kooxda Real Madrid oo haysata koobabka ugu badan ee tartankan iyo kooxda Bayern Munich oo sanadkii hore ku guulaysatay Uefa Champions League.


Waa markii afaraad oo sirasmi ah ay labada kooxoodisugu arkaan wareegga Semi finalka Champions League -ga.,waxaana kulankii ugu danbeeyay oo dhexmarayay uu dhacay sanadkii 2011-2012-ka, markaasoo oo loo awood sheegtay kooxda Real Madrid.

Lugta hore ee kulankan waxaa lagu ciyaari doonaa garoonka Santigo Benranbu ,iyadoo lugta labaad lagu ciyaari doono Allians Arena, waxaana wakiilada ka kala socday kooxaha oo shirkii isku-aadka lagu casuumay ay rajo wanaagsan ka muujiyeen suurtagalnimada ay koox walba ugu soo bixi karto finalka.


Luis Figo oo horey ugu soo ciyaaray kooxda Real Madrid ayaa gacantiisa ku soo saaray sida ay isugu aadayaan kooxahan u soo gudbay wareegga afarta ,iyadoo kooxda Atletico Madrid ay la ciyaari doonto Chalsea halka Beyern iyo Real Madrid-na ay foodda is dari doonaan.

Si lamid ah kulankaas kooxaha Atletico Madrid iyo Chalsea ayaa is haleeli doona markii ugu horaysay ciyaar semi-final ah oo koobkan ka tirsan, waxaana lugta koowaad ay kooxda Chalsea booqan doontaa garoonka Vecent Caldron ee dhigooda.

Semi-finalka lugta hore waxaa la ciyaari doonaa 22-ka iyo 23-ka April, halka lugta labaad la ciyaari doono 29-ka iyo 30-ka April,iyadoo ciyaarta ugu danbeysaee Final la qaban doono maalinimo sabti ah 24-ta bisha shanaad ,waxaana lagu ciyaari doonaa garonka kooxda Benifica ee Estádio do Sport Lisboa.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip