Xaflad lagu weyneenayo dheelminta Nabi Maxamed (NNKH) oo lagu Qabtay Zurich, Switserland (Sawirro)

0
Tuesday June 03, 2014 - 22:30:53 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaflad lagu weyneenayo dheelminta Nabi Maxamed (NNKH) oo lagu Qabtay Zurich, Switserland (Sawirro)

    Waxaa lagu qabtay magaalada Zürich ee dalka Switserland xaflad lagu maamuusaayo dheelmintii Nabi Maxamed (NNKH)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lagu qabtay magaalada Zürich ee dalka Switserland xaflad lagu maamuusaayo dheelmintii Nabi Maxamed (NNKH)


Xaflada waxaagacan weyn kageestay bulshada qeebaheeda kaladuwan, Culimaa’udiinka, indheergaradka, Hooyooyinka iyo dhalinyaro kuwaasi oo si weyn usoo camiray howlka ee kadhaceesay munaasabada.

xaflada waxaa Aayado Qur’aan ah kufuray Sheekh Maxamad Muxsin iyadoo qasiido aad umacaana uu ku daah furay Macalin Abuukar Macalin Carabay iyadoo Nashiido aad umacaan badan laguna jadbooday halkaasi ka qaadeen ardayda da’yarta ah ee wax ka barata dugsiga Alkhulafaa waxana juhdigaa ku bixiyay Macalin Cumar Macalin C/raxman.

Sidoo kale waxa kasoo qeybgalay Xaflada Muxaadaro Waaqici ahna halkaa ka jeediyay Fadiilatu Sheekh Muuse Cade oo kamid ah culimada waa weyn ee Ahlusunah Waljamaac, weyneenta Xaflada loogu dabaal degayo habeenki la dheelmiyay suubanaha (NNKH) uga yimid dalka Holand.
Sidoo kale daah furka iyo xiriirinta Xaflada ayaa waxa qeyb weyn ka qaatay Sheekh Axmed Duuri oo kamid ahaa culimada sida weyn uruxay munaasabada.

Sheekh Abukar Toxow oo xaflada uga yimid dalka Sweden ayaa soo jeediyay muxaadaro kusaabsan Taqwada Alle iyo in siwadajir sh Xariga Eebe looqabsado.

Waxaa sidoo kale Qasaa’idyo aad umacaan kusoo qatimay Xaflada Sheekh Daa’uud Xaaji Muxumed Nuur iyo Macalin Zakariye

Ugu dambeentii Macalin Nuur Macalin Carabay ayaa Culimadii, Akhyaartii, Hoyooyinka, Qaban Qaabiyayaasha iyo dhamaan kasooqerbgalayaasha mahad celin usoojeediyay kulana dardaarmay in dadaalkooda ku.aadan xafladaha diiniga ah inay sii laba jibaaraan.

Dhankakale farsamada kaamira waxaa gacanwayn kageestay Ustaad Abuukar Macalin Abshirow iyo Ismaaciil cilmi.


Xafiiska Shabakada Warsheekh
Zürich, Switserland

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip