Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta oo Talaado ah ka furmaya tartanka kubadda cagta gobalada ee Puntland.
Sidda ku cad jadwalka waxaa ka qeybgalaya ilaa sagaal gobal, waxaana loo qeybiyay labo Group oo kala ah A iyo B.
Xafladda furitaanka tartanka waxaa la filayaa in ay ka soo qeybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, xiriirka kubadda cagta Soomaaliya iyo marti sharraf kale oo ka kala imaanaysa gobalada dalka iyo dalalka caalamka.
Agaasimaha dhallinyarada iyo cayaaraha maamulka Puntland, Axmed Tigaana ayaa warbaahinta u sheegay in sannadkan tartanka uu wax badan ka badalan yahay kolkii hore isagoona intaas ku daray in tartanka uu socon doonaa labo toddobaad.
Diyaar garowga tartanka ayaa si weyn looga dareemayaa magaalooyinka Puntland, sidda Garoowe iyo Boosaaso.
Koobkan waa kii 17-aad ee la qabto tan iyo markii la billaabay, waxaana koobka difaacanaya gobalka Nugaal oo martigalinaya tartanka.
Magaalada Garoowe waxaa yimid dadweyne fara badan oo jecel in ay ka qeybgalaan tartankan oo socon doono labo toddobaad.
Si kastaba ha ahaatee, ammaanka Garoowe ayaa aad loo adkeeyay waxaana meel kasta magaalada la dhigay ciidamo ammaanka suga si looga gaashanto falal aragixiso in ay ka dhacaan magaalad inta ay cayaaraha gobalada socdaan.
Magaalada Garowe oo maanta ay ka bilaabaneeso Ciyaaraha Gobolada Puntland
Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta oo Talaado ah ka furmaya tartanka kubadda cagta gobalada ee Puntland.