Laba Ka Mid Ah Tobanka Nin Ee La Sheegay Inay Isku Qarxinayaan Magaalada Muqdisho Oo Beeniyay

0
Sunday June 22, 2014 - 15:46:35 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1627
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Ka Mid Ah Tobanka Nin Ee La Sheegay Inay Isku Qarxinayaan Magaalada Muqdisho Oo Beeniyay

    C/laahi Raage Cumar iyo Xasan Cali Liibaan, ayaa waxay si weyn uga horyimaadeen inay maleygayaan qaraxyo ay ka geystaan Magaalada Muqdisho, goor dhow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/laahi Raage Cumar iyo Xasan Cali Liibaan, ayaa waxay si weyn uga horyimaadeen inay maleygayaan qaraxyo ay ka geystaan Magaalada Muqdisho, goor dhow.


C/rashiid Aadan Nuur oo ay Dowladdu magaciisu ku sheegtay C/laahi Raage Cumar, teleefankiisuna uu yahay 061 5864276, ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay hadalka aan laga fiirsan, ee xilligaan laga baahiyay.

C/rashiid Aadan Nuur wuxuu sheegay in uu ka mid yahay ragga xamaalatada ah ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho, isla-markaana aanu wax xiriir ah haba yaraatee ku lahayn Ururka Al Shabaab.

Xasan Cali Liibaan oo teleefankiisu gacanta uu yahay 061 5823102, ayaa waxa uu isaguna sheegay marka hore inaanu jooginba Magaalada Muqdisho, isla-markaana uu degan yahay duleedka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Raggaan, ayaa waxay sheegeen 2-dii habeen ee ugu dambeysay inay ka seexan waayeen, boqolaal ruux oo Soomaali ah oo ka soo waceysay teleefanadooda gacanta, wixii ka dambeeyay markii uu baahiyay Taliska Booliska.

Dad badan, ayaa siyaabooyin kala duwan fasiraad uga bixinaaya waxa keenay, in xilligaan Dowladda Somaliya ay baahiso teleefanadaan gacanta, isla-markaana ku sheegtay inay wataan ilaa 10 nin, oo qaraxyo ka geysanaaya Caasimada.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip