Xassan Maxaa laga dhaxlay Xabaalo

0
Wednesday June 25, 2014 - 01:00:01 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xassan Maxaa laga dhaxlay Xabaalo

    Waxaan aad ugu xumahay in maamulka koonfur galbeed loo aqoonsado G.Bay.Bakool iyo Sh/hoose iyada oo la diidayo midkii 6 gobol ahaa oo aay Somalida ku mideeysneeyd,maxaa kalifay in xiligaan dowlada federaalka aqoonsato maamulka Shariif Xassan Sheekh A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan aad ugu xumahay in maamulka koonfur galbeed loo aqoonsado G.Bay.Bakool iyo Sh/hoose iyada oo la diidayo midkii 6 gobol ahaa oo aay Somalida ku mideeysneeyd,maxaa kalifay in xiligaan dowlada federaalka aqoonsato maamulka Shariif Xassan Sheekh Aadan ku soo dhoodhoobay Hotel Edan ???? Xassan Sheekh waxaa leeys-lahaa waa waayo arag ruugcadaa ah oo dalka dhex joogay 1991 ilaa iyo xilka madaxweeyne uu ka noqdo balse waxaa dad faro badani u arkaan in Xassan Sheekh uusan laheeyn aqoontii iyo kaartidii lagu hogaamin lahaa dowlad ,waxaa uu qaatay Goàano xaqiiqdii la dhahi karo dalka waxeey u horseedeen kala fogaansho iyo kalsooni daro umadeed oo la dhihi karo uma cadaalo falin umada Somalia oo maxaa ka mid ah intaba ??


1) Xassan waxaa uu ka danbeeyay oo uu ogolaaday dhismaha Jubbla-land iyada oo eey xaaran aheeyd halka r/wasaare Saacid uu diiday qaabdhismeedka Jubba-land una arkaayay mid aay tahay mid cadaalada ka fog lana jaan qadi karin dastuurka federaalka, Somalidan aayan u dhameen sameeynta maamulka Jubba-land.Faarax & Xassan ayaa qorshahaa kula heshiiyay Axmed Madoobe,waxaad moodaa waxii lagu heshiiyay oo baadilka ahaa in aanan weli la fulin balse Jubbaland noqotay mid reer kaliya aay xukumaan.

2) Xassan waxaa uu xilka ka qaaday r/wasaare Saacid iyada oo aanan la ogeeyn sabbabta uu xilka ugu qaaday,waxaa aay aheeyd go`aan qaldan oo dib u dhigay horumarkii dalka ilaa iyo maantana aanan laga soo kabsan karin sidii aay wax u socdeen,Maxaa loo bedelay Saacid ?? maxaase laga dhaxlay bedelkiisii ???

3) Xassan xiligaani awoodiisa ma dhaafsana goboladada dhexe iyo Muqdisho,degmo ka mid ah Puntland ama Somaliland iyo Jubba-land uma magacaabi karo gudoomiye degmo halka degmada Balcad iyo G.Hiiraan uu u magacaabay laba jeer gudoomiye ku melgaar ah iyada oo la og yahay in aanan laga dhaxleeyn maamul ku yimaada xalaa iyo doorasho,Xassan raali kama ah in shacabka Balcad iyo kan Hiiraan soo doortaan cida aay rabaan .

4) Xassan ma hayo dariiqii lagu gaari lahaa dowladnimo dhab ah ,sabbabta oo ah waxaa xaqiiq ah in uusan kalsooni ka haysan Puntland & Somaliland iyo Jubba-land G.Mudug iyo Xubin iyo Xeeb,waxaa la dhihi karaa Xassan waa shaqaale u shaqeeya ajnabiga ujeedka uu u yimidna aay tahay in uu dalkaani u kala qeeybiyo dowlado qabiil ku dhisan ,reerka uu ka dhashayne duudsiyay xaqoodii,dib u fiiri degmada Warshiikh iyo Cadale waa ka xor Al-shabab balse gargaar dowlada ma aayan geeyn weli dadkiina waxeey u dhimanayaan biyo laàan iyo gaajo halka G.Bakool iyo Waajid Xasan indhahiisa ku soo arkay sida aay u nool yihiin,waxaa akhristow kugu filan G.Sh/dhexe in dowlada u balan qaaday 50.000 dollar halka Puntland aay u balan qaaday 1000000 dollar

5) Xassan waxaa uu ka fogaaday cadaalada waxuuna Hawiye iyo Digil iyo Mirif duudsiyay xaqoodii halka uu sadbuursi u ogolaaday reer Puntland iyo Jubba-land .

Waxaa la filaayaa in dowlada Xasan ka yahay Mdaxweeyne noqoto midii dalka kala gooyn gooyn laheeyd Jufa walbana u abuuri laheeyd dowlad qabiil oo ka madaxbanaan dowlada federaalka,Xassan rajadii umada ka qabtay waxaa uu dhaxalsiiyay in uu duudsiyo xaqoodii hadaba maxaa laga sugayaa Xassan Qoslaaye ,Hurdaaye ,NGO

Waxaa quman in la fuliyo Goàamada laga qaatay Xassan sida in 61 xildhibaan ee Hawiye ka dareeraan baarlamaanka kuwa wasiirada ahna aayan tagin shaqada,G.Banaadir waa in uu cadeeyaa meesha uu siyaasada qabiilka kaga jiro dalka Somalia iyada oo la ogyahay in Muqdisho Somali oo dhan lagu martigeliayay ayeey hadana u socotaa mid reer uu lahaan doono .

Dr:Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip