Ra'iisul wasaare C/weli "dadka Soomaliyeed ee tuhunka ka qaba seddexda gobol dareenkooda waan soo dheweyneynaa" (COD)

0
Wednesday June 25, 2014 - 18:44:20 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaare C/weli "dadka Soomaliyeed ee tuhunka ka qaba seddexda gobol dareenkooda waan soo dheweyneynaa" (COD)

    Muqdisho, 25, June, 2014...Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay dalka Equatorial Guinea , halkaas oo ka dhici doono shirweyne ballaaran oo i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 25, June, 2014...Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay dalka Equatorial Guinea , halkaas oo ka dhici doono shirweyne ballaaran oo isugu imanayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (AU)

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo shir Jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo kamid tahay ujjeedka socdaalkiisa iyo xaalado bani’aadamnimo oo laga soo sheegayo deegaano ka tirsan gobollada dalka.

"Aniga iyo Wafdiga ila socda waxaan uga qeyb galaynaa dalka Equatorial guinea shirka madaxda Africa, waxaana inta aan ku sugan nahay dalkaas la kulmi doonaa hoggaamiyaasha dalalka Africa oo kala hadli doono arrimo quseeya Soomaaliya iyo guud ahaan mandiqada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhinaca kale tilmaamay qeybo kamid ah gobollada dalka in ay ka jiraan xaalado bani’aadamnimo, wuxuuna ka codsaday shacabka Soomaaliyeed ee wax haysta inay u gurmadaan dadkooda tabaalaysan.

"Waxaa nasoo gaaraya deegaano badan oo dalka kamid ah inay ka jiraan xaalad bani’aadamnimo, xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay caawiso dadkaas dhibaataysan si loogu helo xal maangal ah oo waafaqsan bani’aadamnimada., waxaan maanta la kulmay guddi ka kooban Hay’addaha Qaramada Midoobay ee gargaarka qaabilsan oo Soomaaliya soo booqday si ay xaaladaha jira wax uga qabtaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tilmaamay dadka ku nool gobollada Koofureed iyo kuwa dhexe ay wajahayaan cunto iyo biyo yari, kaddib markii ay daaheen roobabkii la filayay meelaha qaarna ay go’doomiyeen kooxaha nabad-diidka Al-shabaab.

 Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa mar labaad soo dhaweeyay heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeen dhinacyadii isku hayey maamul u sameynta Lixda iyo Seddexda gobolka ee Koonfur galbeed, isagoo tilmaamay dowladdu inay diyaar u tahay cidii wax ka tabanaysa heshiiskaas in wada hadal lagu dhammeeyo,

Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa yiri " waxaa soo baxay dad ka mid ah dadkeenna oo qaba Tuhun ku aaddan in ay dhacdo caddaalad darro la xiriirta sameynta maamulka seddexda gobol, hasa yeeshee waxaan xaqiijinayaa in Xukuumaddu ay diyaar u tahay in ay la fariisato dadkaasi oo aan sinna looga maarmaamin in ay soo gudbiyaan dareenkooda ku aaddan arrintan, waxaan ballan qaadayaa in eysan dhicin wax keeni kara kala fogaansho”.

Ugu dameyntii Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa Ummadda Soomaaliyeed mar kale ugu baaqay in Bisha barakeysan ee Ramadaan in ay is gargaarraan oo ay ka faa’ideystaan faa’iidada bishaasi oo ay maalmo uun inaga xigaan.





---DHAMAAD---
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip