Yuusuf Garaad oo diray Fariin Waano iyo Digniin Xambaarsan

0
Thursday July 03, 2014 - 18:17:29 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Garaad oo diray Fariin Waano iyo Digniin Xambaarsan

    Muqdisho:- Maalmahaan la sooman yahay ayay soo bateen dilalka Muqdisho. Dhowr iyo toban ruux ayaa Muqdisho lagu dilay dhowrkii maalmood ee bishan Barakaysan ee Ramadan. Waxaa u dambeeyay, Xildhibaanka saaka la dilay. Dhammaantood Allah ha u naxariist

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:- Maalmahaan la sooman yahay ayay soo bateen dilalka Muqdisho. Dhowr iyo toban ruux ayaa Muqdisho lagu dilay dhowrkii maalmood ee bishan Barakaysan ee Ramadan. Waxaa u dambeeyay, Xildhibaanka saaka la dilay. Dhammaantood Allah ha u naxariisto.

Qofku marka uu dhinto wuxuu leeyahay xuquuq ay ka mid tahay in sharafta iyo heybaddiisa la dhowro.

Waxaan sawir qaadayaasha oo ay ku jiraan weriyayaasha, booliiska iyo goobjoogayaasha sita mobile-ka caaqilka ah aan u soo jeedin lahaa in ay ka fiirsdaan sawirrada ay qaadayaan iyo sida ay u adeegsanayaan.

Ma ahan in wax aanad raalli ka ahaateen in lagugula kaco ad adigu kula kacdo qofka dhintay oo aan isagu yac iska dhihi karin.

Ma ahan in sawirro laga qaado qofka oo dhiig dhex yaalla, indhuhu ay rogan yihiin, afka kala haya amaba dhambacaad u dhacay ama laga yaabo in uu si kale oo aan munaasab ahayn u yaal, meel aan munaasab ahayna dul yaal.

Haddii ay dhacdo in sawirro noocaas ah ama kuwo ka sii xun aad qaaddo fadlan ha soo dhigin baraha internetka.
Tan labaad waa in laga fiirsado goorta iyo sida loo sii deynayo ama loo shaacinayo magaca marxuumka.

Waa in la isku dayaa in ehelkiisa la wargeliyo, ka hor inta aan saxaafadda laga sii deyn magaca marxuumka.

Ilaaheey naguma keeno, ee bal qiyaas adiga oo internetka iska dhex mushaaxaya in uu kugu soo baxo sawirka aabbahaa, hooyadaa, walaal, xaaskaaga, 
ninkaaga ama saaxiibkaa oo ay haddaayay kuugu dambeysay laakiin hadda dhiig dhex yaalla aadna arkeyso in uu meyd yahay?

Mas’uuliyaddan waxaa iska leh saxaafadda, howlwadeennada caafimaadka, booliiska iyo dowladda. Sidoo kale shacabka oo dhan ayay tahay in ay ka qeyb qaataan xaq dhowrka marxuumka iyo ehelkiisa.

W/Qalinkii:- Yuusuf Garaad Cumar, Saxafi Sare
Madaxii Hore BBC-da Laanteda Afka Soomaaliga
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip