Tacsi Tiiraanleh, Qoraa sare Cabdulqaadir Aromo Alle haw naxariisto.‏

0
Wednesday July 16, 2014 - 19:52:02 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 4383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tacsi Tiiraanleh, Qoraa sare Cabdulqaadir Aromo Alle haw naxariisto.‏

    Tacsi Tiiraanyo leh. Waxaanu halkan Tacsi uga direynaa, Ehliyadii iyo Qaraabadii uu ka tegay Marxuum, Cabdulqaadir Cusmaan(Aroma) AUN, Qoraagii weynaa oo ku geeriyoodey 16, July, 2014 waddanka Ingiriiska, magaalada London, waxaan leenahay ilaahay Na

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tacsi Tiiraanyo leh. Waxaanu halkan Tacsi uga direynaa, Ehliyadii iyo Qaraabadii uu ka tegay Marxuum, Cabdulqaadir Cusmaan(Aroma) AUN, Qoraagii weynaa oo ku geeriyoodey 16, July, 2014 waddanka Ingiriiska, magaalada London, waxaan leenahay ilaahay Naxariistii janno haka waraabiyo, Samir iyo Iimaana haka siiyo, Tacsidan ayaa waxaa diraya,

 

Bashiir Maxamed Xirsi

Bashiir Cali Barre

Bashiir Nuur Xirsi

Bashiir Cabdulqaadir bootaan

Maxamed Cilmi Dhicisoow

Maxamed Cabdullaahi Dhaaleey

Abshir Cabdi

Maxamed Xuseen Faarax

Yaxye Xaashi Maxamed

Maxamed Xirsi Dhuux

Bishaar Kadiye Dhamac

Cabdirashiid Guure

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Axmed Macoow Xaayoow

Cabdifitaax Cali Faqay

Saciid Muuse Axmed

 

Dhammaantood waxay tacsi u dirayaan, Alle haw naxariistee Marxuumka ehliyadiisii, waxaana ku soo qatimaynaa, Maanso duco ah oo ilaahay aanu uga baryeyno inuu Qabriga u nuuro, Darka Fardowsana ka waraabiyo Aaamiin Aaamiin.

 

Waxaan leeyahay ilaahay haw naxariisto, Marxuum, Cabdulqaadir Cusmaan," Arroma" wuxuu ahaa, Sooyaal haye, Qoraa, Hal abuur geyiga Soomaaliyeed ka caan ah kana tegay dhaxal wanaagsan oo looga aayo, Ilaahayo u naxariiso Janatul fardowsana ka waraabi, Ehliyadiisiina Samir iyo Iimaan ka sii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed. Aaamiin Aaamiin Aaamiin

 

Alifkiyo higgaadeed

Ableynteeda Suugaan

Dhaqankiyo Alooskii

Hiddihiyo Arrimintiis

Arrin iyo dhigaalkii

Uruuriyaha Sheekada

Ab waxaan lahayniyo

Isirkeena Soomaal

Aromuu ahaayoo

Isagaa Aslaayoo

Ku asteeyey qalinko

Ubadkana u reebaye

Abaal baan u haynaa

Abid lama ilaawaan.

 

Adduunya iyo xaalkeed

Ifka laguma waaro

Ayaaneey ahaataba

Dadka Amar ilaahbaa

Ajashoo dhammaataa

Lagu Oofsadaayoo

 

Haduu Aroma Iil galay

Aqalkii Rumaad tegay

Eebboow Ugbaadiyo

Irridaha Janada iyo

Idhamada Fardawsan

Allow kaaga tuugnee

Aqbal Ducada Eeboow

Allow naga Ajiiboow

Iftiinkeeda Rowdiyo

Ilaahay Jannada gee

Ilaahaw jannada gee

 

Waxaa diyaariyey

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip