Soomaaliya oo ka qeyb gelaya tartanka doorashada Madaxweynaha Chess-ka Adduunka

0
Saturday July 19, 2014 - 22:11:33 in Wararka by
  • Visits: 1899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka qeyb gelaya tartanka doorashada Madaxweynaha Chess-ka Adduunka

    Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjiga Md. Axmed Cabdi Xasan Wataac ayaa ka warbixiyay socdaal uu 1-da bisha Agosto ku tegayo magaalada Toromso ee wadanka Norway, halkaasi oo uu ka dhacayo shirweynaha caalamiga ah Chess-ka Adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjiga Md. Axmed Cabdi Xasan Wataac ayaa ka warbixiyay socdaal uu 1-da bisha Agosto ku tegayo magaalada Toromso ee wadanka Norway, halkaasi oo uu ka dhacayo shirweynaha caalamiga ah Chess-ka Adduunka. Waxa uu sheegay inuu casuumaad ka helay ururka Chess-ka adduunka si uu uga qeyb galo tartanka doorashada Madaxweynaha Chess-ka Adduunka, iyadoo dalka Norway ay ku sii qulqulayaan musharaxiinta, hay'adaha chess-ka ee ka kala socda wadamada caalamka.

"Anigoo Soomaaliya u matalaya dalalka caalamka ee ka qeyb gelaya doorashada Madaxweynaha Chess-ka adduunka waxaan codkeyga siinayaa musharaxii ka shaqeynaya barnaamijyo lagu horumarinayo Chess-ka Soomaaliya iyo kan Adduunka" ayuu yiri Guddoomiye Wataac.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliya Axmed Cabdi Xasan Wataac ayaa sheegay in ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Shataraniga ay ka baaqanayaan tartanka ciyaaraha Chess-ka Adduunka oo afartii sanaba mar la qabto, bacdamaa sida uu sheegay ay dib ugu dhaceen arrimo dhaqaale oo khuseeya safarka ay ku tegi lahaayeen magaalada Toromso ee dalka Norway.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip