Jan. Gaafow: "Baasaboorka cagaaran waxaa loo isticmaalaa argagixisanimo, waxaana maanta qabanay 50-xabo"

0
Monday September 08, 2014 - 16:06:01 in Wararka by
  • Visits: 1909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jan. Gaafow: "Baasaboorka cagaaran waxaa loo isticmaalaa argagixisanimo, waxaana maanta qabanay 50-xabo"

    Taliyaha hoggaanka Socdaalka iyo jinsiyadaha Jan. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa ka warbixiyay Baasabooro cagaaran oo ay ku qabteen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan cadde International Airport.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha hoggaanka Socdaalka iyo jinsiyadaha Jan. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa ka warbixiyay Baasabooro cagaaran oo ay ku qabteen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan cadde International Airport.
Taliyaha hoggaanka Socdaalka iyo jinsiyadaha Jan. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa ka warbixiyay Baasabooro cagaaran oo ay ku qabteen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan cadde International Airport.

Jan. Gaafow waxa uu sheegay inay qabteen ilaa 50-Baasaboorada cagaaran ah, wuxuuna intaasi raaciyay in baasabooradaasi loo waday Somaliland caruur ku dhigata iskuul, wuxuuna intaasi ku daray in baasabooradaasi iyo raggii watay ay qabteen isla markaana ay haatan ku socdaan baaritaano.

"Baasaboorka cagaaran waxaa loo isticmaalaa argagixisanimo" ayuu yiri Jan. C/llaahi Gaafow oo sheegay in horay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen nin u dhashay wadanka Senzibar kaasi oo ka yimid magaalada Telaviv ee dalka Israa'iil isagoo wata baasaboorka cagaaran.

Waxa uu sheegay Jan. Gaafow in ninkaan ka yimid magaalada Telaviv ay ku socdaan baaritaano la xariira isticmaalka baasaboorka cagaaran, wuxuuna ka digay in baasaboorka cagaaran aan la isticmaalin ee ay dadku isticmaalaan baasaboorka Electronic-da ah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip