Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo sheegay in cagta saartay wadadii burburka geerida Godane kaddib

0
Friday September 12, 2014 - 12:31:18 in Wararka by
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo sheegay in cagta saartay wadadii burburka geerida Godane kaddib

    Golaha sare ee culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa maanta bayaan ka soo saaray masiirka ururka Al-Shabaab geerida kaddib, iyagoona sheegay in kooxda ay cagta saartay wadadii burburka, mar haddii uu meesha ka baxay hoggaamiyahoodii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha sare ee culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa maanta bayaan ka soo saaray masiirka ururka Al-Shabaab geerida kaddib, iyagoona sheegay in kooxda ay cagta saartay wadadii burburka, mar haddii uu meesha ka baxay hoggaamiyahoodii.


Golaha sare ee culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa maanta bayaan ka soo saaray masiirka ururka Al-Shabaab geerida kaddib, iyagoona sheegay in kooxda ay cagta saartay wadadii burburka, mar haddii uu meesha ka baxay hoggaamiyahoodii.

Bayaanka ka soo baxay Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo uu ku saxiixnaa Sheekh Daa'uud Cali C/raxmaan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ku dhawaaqista hoggaamiyaha cusub ee ururka Al-Shabaab ay ka horjeedaan garabyadii ka horjeeday Axmed Godane, kuwaasi oo qaarkood ay dagaallo fool ka fool ah ku dhex mareen degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

"Waxaan caddeyneynaa in ururka Al-Shabaab uu cagta saaray wadadii burburka, isla markaana sii kala tegayo wixii ka dambeeyay dilkii hoggaamiyahooda Axmed Godane" ayaa lagu yiri bayaanka.

Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna ayaa dhinaca kale ugu baaqay dhallinyarada la marin habaabiyay inay isaga soo baxaan ururka Al-Shabaab mar haddii uu sii burburayo ayna ku soo noqdaan eheladooda iyo waalidiintoodii.

"Dhallinyarada ku hartay Al-Shabaab waxaan ugu baaqeynaa inay ka faa'iideystaan cafiska Dowladda ay u fidisay ee mudada 45-ta cisho ah" ayaa lagu yiri bayaanka Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Golaha ayaa ku booriyay dhallinyarada fikradaha qaldan uu ku shubay Godanihii geeriyooday inay waano u noqoto halka uu ku dambeeyay hoggaamiyahoodii oo haddii ay ka waantoobi waayaan ay suurtagal tahay inay maraan wadadii Godane.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip