Wax ka baro 10 magaalo ee dunida ugu faca weyn!!

1
Sunday September 28, 2014 - 14:50:51 in Wararka by
  • Visits: 10149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax ka baro 10 magaalo ee dunida ugu faca weyn!!

    Wargeyska The Telegraph ee Ingiriiska kasoo baxa ayaa wax ka qoray magaalooyinka dunnida ugu faca weyn ee willi dhisan qaarkoodna loo dalxiis tago.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska The Telegraph ee Ingiriiska kasoo baxa ayaa wax ka qoray magaalooyinka dunnida ugu faca weyn ee willi dhisan qaarkoodna loo dalxiis tago.
Wargeyska The Telegraph ee Ingiriiska kasoo baxa ayaa wax ka qoray magaalooyinka dunnida ugu faca weyn ee willi dhisan qaarkoodna loo dalxiis tago.

Warbixinta wargeysku qoray waxaa uu si gaar ah diiradda ugu saaray magaalooyin dhisan muddo qarniyo ah oo illaa hadda la degen yahay.

Magaaladda koowaad wargeysku waxaa uu ku sheegay magaalo la yiraahdo Qudus ee ku taala dhulka Falastiin.

Magaaladaan wargaysku waxaa uu sheegay in la dhisay 2,800 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciie CS.

Magaaladda Qudus oo ka mid ah magaalooyinka barakaysan waxaa ku yaala masjidka Al-Aqsa oo taariikh fog ku leh dadka Muslimiinta ee dunnida ka nool.

Taariikhyahanu waxay sheegayaan in magaaladaan ay ka dhaceen illaa iyo 52 duulaan oo lagu qaaday inta ay dhisantahay 2 marna wdagaal ayay ku bur burtay.

Magaaladda labaad waxaa la yiraahdaa Tyre waxaana ay ku taala dalka Lubnan.

Magaaladaan waxaa la aaminsanyahay in la dhisay 2,750 sanno ka hir dhalashadii Nabi Ciise CS isla xilligaas ayaana la degay.

Hay’adda UNESCO ee Q,M waxaa ay sheegtay in magaaladaan ay mar ahaan jirtay magaalo uu dhqaalo badan kasoo galo dawladii Romanka waxaana ay aheyd magaalo warshado leh.

Magaalada Sadexaad ee dunnida ugu faca weyn marka laga hadlay 10 magaalo ee dunnida ugu qadiimsan waa magaalada Arbil oo ku taala dalka Ciraaq.

Magaalada Arbil oo waqooyiga Ciraaq ku taala waxaa la dhisay 2,300 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS.

Magaaladaan waxaa ka taliyay dawlado kala duwanaa oo gobolka soo maray waana magaalo muhiim u ah ganacsiga marka loo eego ganacsiga gobolka.

Magaaladda Arbil dadka Juquraafiga ku taqaqusay waxay ku sheegaan inay tahay magaalo cimilo ahaan aad u wanaagsan waxaana ay heerka badda ka sareysaa 26 mitir.

Booska Afaraad waxaa ku jira magaalada Kirkuk oo ku taala waqooyiga Ciraaq.

Magaaladaan oo qiyaastii 150 mile dhanka waqooyi ka jirta caasimada dalka Ciraaq ee Baqdad waxaa la dhisay oo la degay 2,200 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS.

Magaaladaan oo dhul muhiim ah ku taala waxay muddo sannado ah xarun u aheyd dawladii la oran Assarian dadkuna waxayba sheegaan in magaaladaan ay hadda dhisan tahay muddo 5,000 oo sano ka badan.

Magaalada 5,aad waa magaalada la yiraahdo Balkh oo ku taala dalka Afghanistan waxaana la aas aasay 1,500 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS.

Magaaladaan oo ku taala waqooyiga Afghanistan waxaa mararka qaar loogu yeeraa magaalada hooyadda dhulka Carbeed oo ay ku qaadatay inay xarun u aheyd ganacsiga dhulka Carabta laga qaado.

Giriigii hore magaaladaan waxay ugu yeeri jireen magaca Bagra .

Hadda waxay ka mid tahay magaalooyinka loo dalxiis tago waxaana ku yaala warshado yar yar oo suufka ama cudbiga soo saara.

Magaaladda 6,aad ee dunnida ugu weyn waa magaalada Athens ee caasimada dalka Gariiga.

Magaaladaan oo lagu tilmaamo halka ay ka bilaabatay ilbaxnimada reer galbeedka iyo dimoqraadiyada waxa la aas aasay 1,400 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS.

Illaa hadda magaalada Athens waxaa laga helaa calaamado taariikhi ah oo ay ka tageen Gariigii hore iyo dawladihii ka dambeeyayba waana magaalo aad loogu dalxiiso xilligaan.

Kaalinta 7,aad waxaa ku jirta magaalada Larnaca oo ku taala Jaziiradda Cyprus.

Magaaladaan oo ah magaalo xeebeed waxaa la degay 1,400 oo sano oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS.

Waa magaalo ay ku yaala geedo qurux badan iyo dhismooyin aad loo xardhay oo illa hadda soo jiita indhaha dadka u dalxiis taga.

Magaalada Sideedaad waa magaalada Thebes waxayna ku taalaa dalka Gariiga.

Magaaladaan oo la degay 1.400 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS. Waxaa la sheegaa inay xudun u aheyd dulaankii dawladii Perisia ku qaaday dalka Gariiga sanadkii 480 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS.

Magaalada 9,aad ee dunnida ugu weyn waxaa la yiraahdaa Cadiz oo ku taala dalka Spain.

Magaaladaan waxaa la aas aasay lana degay 1,100 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS.

Magaaladaan oo ku taala xeebta badda Atlanticada laga soo bilaabo illaa qarnigii 18, aad waxay saldhig weyn u tahay ciidamada badda dalka Spain.

Magaalada ugu weyn waxaa la yiraahdaa Varnasi waxaana ay ku taala dalka Hindiya.

Magaaladaan waxaa la dhisay 1,000 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS.

Magaaladaan oo saaraan wabiga Ganges dadka qaarkiis waxay ku tilmaameen magaalo ka weyn dhaqanka, iyo taariikhda Hindida.

Xigasho: Wargeyska Daily Telegraph

Waxaa tarjumay Burhan Dini Farah

burhandiini@gmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip