Guddoomiye Muungaab: "Muqdisho ma jiro guryo la kala heysto balse waxaa jira guryo la isku heysto"

0
Tuesday September 30, 2014 - 08:40:16 in Wararka by
  • Visits: 1535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Muungaab: "Muqdisho ma jiro guryo la kala heysto balse waxaa jira guryo la isku heysto"

    Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in maamulkiisu uu ku guuleystay inuu magaalada Muqdisho guryihii la kala heystay dib ugu celiyay dadkii iska lahaa, wuxuuna Guddoomiyuhu ho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in maamulkiisu uu ku guuleystay inuu magaalada Muqdisho guryihii la kala heystay dib ugu celiyay dadkii iska lahaa, wuxuuna Guddoomiyuhu hoosta ka xariiqay inay jiraan guryo la isku heysto.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in maamulkiisu uu ku guuleystay inuu magaalada Muqdisho guryihii la kala heystay dib ugu celiyay dadkii iska lahaa, wuxuuna Guddoomiyuhu hoosta ka xariiqay inay jiraan guryo la isku heysto.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Muungaab in tallaabadani ay u mareen dhinaca sharciga laga qaaday dadkii xooga ku heystay guryo badan oo Muqdisho ku yaala, wuxuuna si cad u sheegay in maanta magaalada Muqdisho aanay jirin guri xoog lagu heysto, isagoo sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay horyaalaan dacwado fara badan oo ku saabsan guryo la isku heysto taasi oo uu sheegay inay ku kala saarayaan sharciga.

Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in maamulkiisu mudadii toddobada bilood ahayd ee uu jiray uu ku guuleystay howlo fara badan oo ay ka mid tahay soo celinta bilicda magaalada, amniga iyo adeegga guud ee dadweynaha, isagoona sheegay inay burburiyeen guryo iyo goobo ganacsi oo si sharci darro ah looga dhistay waddooyinka Muqdisho dhexdooda.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Guddoomiye Muungaab munaasabad xalay ka dhacday xarunta maamulka Gobolka Banaadir oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka soo qeyb galay, wuxuuna Madaxweynaha ugu faanay waxqabadkiisa tan iyo markii loo magacaabay xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir.

Dhinaca marka la eego hadalka Guddoomiye Muungaab uu sheegay in Muqdisho aanay ka jirin guryo xoog lagu heysto, hadalkaasi oo ah mid meesha ka saaraya bacdamaa ay jiraan guryo fara badan oo xoog lagu heysto.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip