Bayaanka ka soo baxay Golaha sare ee Culumada Ahlu Sunna oo uu ku saxiixnaa Sheekh C/llaahi Maxamuud Maxamed ayaa lagu sheegay in howlgalada Badweynta Hindiya ee ka socda dalka uu ku tillaabsaday guulo taariikhi ah, kaddib markii ururka Al-Shabaab ay ka saareen degmooyin ka tirsan gobolada Shabeelooyinka.
Golaha sare ee culumaa'udiinka Ahlu Sunna ayaa bayaan ka soo saaray xaaladda wadanka, gaar ahaan howlgalada Badweynta ee ka socda gobolada dalka, isagoona qabsashadii degmada Baraawe oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ay tahay burburkii kooxda Al-Shabaab, bacdamaa ay ahmiyad weyn u lahayd degmadaasi istiraatiijiga ah.
"Qabsashadii degmada Baraawe ee ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa AMISOM waxay la mid tahay burbur weyn ku dhacay kooxda nabad-diidka argagixisada Al-Shabaab" ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna.
Golaha sare Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ee dhibaatada baaxadda leh u geysatay dadka, dalka iyo diinta Islaamka oo ay ka been sheegeen dhaqaalaha ugu badan uu ka soo gelayay dhuxusha laga dhoofiyo degmada Baraawe, waxaana haatan soo food saartay xaalad burbur ah.
Dhinaca kale Golaha ayaa soo dhoweeyay dhallinyarada ka soo goosaneysa kooxda Al-Shabaab ee xilligeedu sii dhacayo, iyagoona ku booriyay dhallinyarada kale ee diyaarka u ah inay ka soo goostaan si wanaagsan loo soo dhoweeyo isla markaana Dowladda Federaalka ka dalbaday inay dhallinyarada la qalday dhaqan celin u sameyso iyo farsamooyin ay ku maareeyaan noloshooda iyo tan mustaqbalkooda.
Bayaanka ka soo baxay Golaha sare ee Culimada Ahlu Sunna ayaa loogu baaqay shacabka degan goobihii laga qabsaday kooxda Al-Shabaab inay guryahooda ku soo laabtaan, isla markaana ay ciidamada kala shaqeeyaan ammaanka iyo xasiloonida.
Golaha sare ee culumaa'udiinka Ahlu Suna oo sheegay in qabsashadii Baraawe ay tahay burburka Shabaab
Bayaanka ka soo baxay Golaha sare ee Culumada Ahlu Sunna oo uu ku saxiixnaa Sheekh C/llaahi Maxamuud Maxamed ayaa lagu sheegay in howlgalada Badweynta Hindiya ee ka socda dalka uu ku tillaabsaday guulo taariikhi ah, kaddib markii ururka Al-Shabaab ay