Wasiir Faarax: "Waxaan degdeg wax uga qabaneynaa dhibaatada lagu hayo maxaabiista Soomaaliyeed ee dibadaha ku xiran"

0
Saturday October 18, 2014 - 09:46:51 in Wararka by
  • Visits: 1410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Faarax: "Waxaan degdeg wax uga qabaneynaa dhibaatada lagu hayo maxaabiista Soomaaliyeed ee dibadaha ku xiran"

    Wasiirka Garsoorka iyo cadaaladda Faarax Sheekh C/qaadir ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in Wasaaradiisu ay wax ka qabaneyso dhibaatada Soomaalida ay ku qabaan dalalka caalamka, isagoona sheegay in maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Garsoorka iyo cadaaladda Faarax Sheekh C/qaadir ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in Wasaaradiisu ay wax ka qabaneyso dhibaatada Soomaalida ay ku qabaan dalalka caalamka, isagoona sheegay in maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalalka caalamka marka uu xilligoodu dhammaado lagu shaqeysto, isla markaana si khasab ah loogu falo beeraha.
Faarax C/qaadir ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee maanta heysata dadka Soomaaliyeed ay uga timaado dhinaca dibadda, isla markaana haddii la qabto lagu xukumo xabsiyo dhaadheer, taasi oo ay u sii dheer tahay jirdil loo geysto ragga iyo dumarka.

"Waxaan fureynaa xafiis qaabilsan maxaabiista Soomaaliyeed ee dibadaha ku xiran" ayuu yiri Wasiir Faarax oo sheegay sidoo kale in xafiiskaasi uu kontrolayo isla markaana ka shaqeynayo in maxaabiista Soomaalida dibadda ay helaan garsoor caadil ah iyo inuu u doodo xuquuqaha ay leeyihiin maxaabiista.

Hadalka Wasiirka Garsoorka ayuu ka jeediyay shirkii dib u eegista arrimaha garsoorka ee ka furmay magaalada Muqdisho, wuxuuna intaasi raaciyay in Wasaaradiisu ay dib u soo celineyso hannaanka garsoor lagu kalsoonaan karo oo meesha ka saaraya musuqmaasuqa arrimaha cadaaladda.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip