Yuusuf Beled Gube oo hanjabay iyo dibadbax xoogan oo ka socda degmada Raageceelle

0
Saturday October 25, 2014 - 15:17:53 in Wararka by
  • Visits: 1404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Beled Gube oo hanjabay iyo dibadbax xoogan oo ka socda degmada Raageceelle

    Isku soo baxan ayaa yimid kagadaal markii maamulka degmada uu ku wargeliyay inuusan uheyn xuquuq la mid ah kuwa ay dowladda ka heleen degmooyinka deriska la ah sida Cadale iyo Warsheekh oo dhawaan la gaarsiiyay Gargaar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku soo baxan ayaa yimid kagadaal markii maamulka degmada uu ku wargeliyay inuusan uheyn xuquuq la mid ah kuwa ay dowladda ka heleen degmooyinka deriska la ah sida Cadale iyo Warsheekh oo dhawaan la gaarsiiyay Gargaar.
Wararka naga soo gaaraya degmada Raageceelle ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dibad bax dadweynaha degmadaasi dowladda Federaalka iyo maamulka G/shabeelada dhexe ay uga dalbanayaan in loo sameeyo maamul dhameystiran.

Dadweynaha oo ka careysan hadalka gudoomiyaha ayaa iskugu soo baxay Barxad weyn oo ku taal Bartamaha magaalada, waxaana codheer ay uga dalbadeen dowlada inay siiso xuquuq la mid ah kuwa ay siisay degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe.

Banaanbaxayaasha ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha gargaarka in wixii degmadaasi ay ugu talo galeen aysan usoo marsiin meel kale oo si toos ah ay ukeenaan degmada.

Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Raagaceelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan aheyn dowlad diid balse dowladda ay ka tabanayaan cadaalad darro, bacdamaa dowladda ay uga eexatay degmooyinka kale ee ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe.

Odayaasha degmada oo la hadlay banaanbaxayaasha ayaa Gudoomiyaha degmada Raageceelle Yuusuf Xaaji Maxamuud ugu baaqay inuu ka fogaado wixii dibudhac ku keeni kara Sumcada Degmada iyo Tuulooyinka hoos yimaada.


Degmada Raageceelle ayaan laheyn maamul dhameystiran, waxaana hadda gudoomiye ka ah nin la yiraahdo Yuusuf Beledgube oo dowladii KMG aheyd ay halkaasi u magacowday waana tan keentay in bulshada iyo gudoomiyaha ay is fahmi waayaan lana waayo xuquuqdii degmada ay laheyd.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip