Dalka Canada waxaa uu ka mid yahay wadamada dhaca waqooyiga qaaradda America waxaana uu ku dherersanyahay badaha Atlanticada, Artica iyo Pacaficga, dhanka dhulkana waxaa uu xaduud la leeyahay dalka Maraykanka oo uu la leeyahay mid ka mid ah xaduudaha dunnida ugu dheer.
Bedka dhulka dalka Canada waxaa lagu qiyaasaa 9.98 million oo km oo labo jibaaran waxaana lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay wadamada ugu weyn dunnida.
Dalkaan taariikhyahanadu waxay sheegaan in dadkii ugu horeeyay ee dega ay ahaayeen qawmiyada la yiraahdo Aboriginal haddase tirada dadka wadankaasi ka yihiin 4.3% dadka ugu badana hadda waa dad asal ahaan Yurub kasoo jeeda oo tirada dadka wadankaasi ka ah 76.7% waxaana uu dalkaan soo maray taariikh dagaal oo fog waxaana wadamada qabsaday ee gumaystay ka mid ah Ingiriiska iyo Faransiis.
Boqortooyadda Ingiriiska illaa hadda saameyn maamul ayay Canada ku leedahay.
Sida taariikhdu xusto sanadkii 1931 Ingiriiska ayaa Canada u ogolaaday inay noqoto dal madax banaan inkastoo si madax banaan ay dawlada Canada u shaqaynaysay oo dastuurka wadanka la qoray 1,dii bishii July sanadkii 1867.
Tirada dadka wadanka u dhashay waxaa lagu qiyaasaa 35,540,419 caasimada wadankana Ottawa magaalada ugu weyna waa Toronto dalkuna waxaa uu ka kooban yahay in ka badan 10 gobol.
Wadanka waxaa looga hadlaa luuqada Ingiriis iyo Faransiis lacagta wadanka laga isticmaalana waxaa la yiraahdaa Canadian Dollar gaadiidkuna dhanka midig ayay isku dhaafaan.
Dalka Canada waxaa ka jirta dawlada baarlamaani ah boqortooyadda Britain na ka mid ah waxaana uu ka mid yahay wadamada barwaaqo sooranka la isku yiraahdo.
Dhaqaalo ahaan dalkaan oo ka mid ah wadamada dhaqaalaha badan leh waxaa sidoo kale ka mid yahay wadamada ay dadkiisu aqoonta leeyihiin waxaa la sheegay in 51% dhalinyarada Canada ay jaamacado ka baxeen waxaana xukuumadu hormarinta adeegyada waxbarashada gaar ahaan cilmi baarista ku bixisay lacag dhan 29.9 billion oo Dollar.
Dawlada Canada waxay ka mid tahay ururo caalami ah oo ay ka mid yihiin ururka barwaaqo sooranka, ururka ganacsiga adduunka ururka wadamada dhaqaalaha ku hormaray ee G 20,, ururka wadamada gancsiga xorta ah ee waqooyiga Maraykanka, shir waynaha iskaaashiga dhaqaalaha ee Asia-Pacific ururka gaashaanbuurta NATO.
Dhanka ciidamada dawlada Canada waxay ka mid tahay dawladaha dhaqaalaha ugu badan ku bixiyay tayaynta ciidamada waxayna dawladu u qoondaysay ciidamada lacag dhan 24.5 billion oo Dollar
Tirada ciidamada dalka Canada waxay gaarayaan 68.250 askari oo heegan ah iyo 47,081 askari oo keyd ah.
Dhanka cunnada hadii aanu eegnana dhaqan ahaan dadka wadankaasi qawmiyad walbo cunno u gooni ah ayay cunaan waxaase dadka lagu casuumaa macmacaan subag lagu sameeyay baasto makarooni ama farmaajo.
Xaga cayaarahana dalka Canada cayaaraha ugu badan ee laga xiiseeyo waa cayaarta barafka lagu cayaaro ee ice Hockey la yiraahdo sidoo kalena baaskitka foliga iyo kubadda cagtana waa laga xiiseeyaa.
Xulka qaranka kubbadda cagta dalka Canada waligiis kuma uusan guulaysan koob adduun.
W/isku ururiyay Burhan Dini Farah
burhandiini@gmail.com
Maxaad ka taqaan taariikhda dalka Canada?!!
Dalka Canada waxaa uu ka mid yahay wadamada dhaca waqooyiga qaaradda America waxaana uu ku dherersanyahay badaha Atlanticada, Artica iyo Pacaficga, dhanka dhulkana waxaa uu xaduud la leeyahay dalka Maraykanka oo uu la leeyahay mid ka mid ah xaduudaha