Kulan ay isugu yimaadeen dallada ururrada bulshada rayidka Ex-Banaadir ayay kaga hadleen xaaladda siyaasadeed ee xilligaan ka taagan dalka iyo hadalkii ka soo yeeray wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.
Madax ka tirsan Dalladda ururrada bulshada rayidka ayaa kulankaasi ka sheegay in Mr. Nicholas Kay uu ka leexday mas'uuliyaddii loo igmaday, isla markaasna ku xadgudbay sharciga diplomaasiyadeed ee caalamka.
Bulshada rayidka ah aad bay uga xun tahay in nin mas'uul u ah beesha caalamka uu ku hadaaqo hadallo ku tiri ku teen ah oo u muuqda kuwo uu ka soo xigtay fadhi ku diriryada ay dadku isugu yimaadaan, waxayna sheegeen in ay fiicneyd inuu ka fiirsado waxyaabaha uu ku hadlaayo isagoo ilaalinaya shuruucda dalka.
Guddoomiyaha dallada ururrada bulshada rayidka ah Muxudiin Xasan Afrax oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in khilaaf kasta ee ka dhex jira madaxda Dowladda lagu xalin karo shuruucda u degsan dalka Soomaaliya, balse waxa uu sheegay inaan loo baahneyn in Nicholas Kay uu farageliyo howl aan loo dirsan.
"Dalkaan iyo dadkaan masiirkooda siyaasadeed waxaa mas'uul ka ah madaxda Dowladda Soomaaliyeed loomana baahna in xilligaan ay xalin kari waayaan kala fikir duwanaansho kasta ee soo kala dhex gala, waxaana haboon in lagu dhaqmo dastuurka dalka" ayuu yiri Muxudiin Xasan Afrax.
Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay nabadoonno , siyaasiyiin, aqoonyahano, haween iyo waxgarad oo uu ugu horeeyay Nabadoon Xuseen Guure Calasow, Sheekh Axmed Kaanti, Drs. Ruqiya Cali Cabdulle, Cumar Dheere, Nabadoon Maxamed Odayow, Nabadoon Axmed Cumar Xaashi (Qoorgaab) iyo xubno kale.
Dhammaan xubnahaan ayaa si isku mid ah u sheegay in Nicholas Kay ay ugu baaqayaan inuu ku shaqeeyo siyaasadii loo igmaday isla markaasna uu ka fogaado wax kasta ee keeni kara khilaaf shacabka Soomaaliyeed ka dhex oogma.
"Baarlamaanka Federaalka maadaama uu yahay sharci dejiyo loo baahan yahay inuu khilaafka madaxda sare ee Dowladda u dhaxeeya uu ku dhameeyo si sharciga waafaqsan" ayay yiraahdeen xubnahaan ka tirsan dallada ururrada rayidka Ex-Banadir.
Dallada ururrada bulshada rayidka oo qeyla dhaan ka soo saaray hadalkii Nicholas Kay
Kulan ay isugu yimaadeen dallada ururrada bulshada rayidka Ex-Banaadir ayay kaga hadleen xaaladda siyaasadeed ee xilligaan ka taagan dalka iyo hadalkii ka soo yeeray wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.