Maxaad ka taqaan taariikhda dalka Burkina Faso?!!

0
Friday November 07, 2014 - 11:16:43 in Wararka by
  • Visits: 2466
  • (Rating 3.5/5 Stars) Total Votes: 4
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaan taariikhda dalka Burkina Faso?!!

    Dalka Burkina Faso waxaa uu ka mid yahay wadamada qaaradda Africa ku yaala gaar ahaan waxaa uu dhacaa galbeedka qaaraddaan Africa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Burkina Faso waxaa uu ka mid yahay wadamada qaaradda Africa ku yaala gaar ahaan waxaa uu dhacaa galbeedka qaaraddaan Africa.
Dalka Burkina Faso waxaa uu ka mid yahay wadamada qaaradda Africa ku yaala gaar ahaan waxaa uu dhacaa galbeedka qaaraddaan Africa.

Dalkaan waxaa uu xaduud dhuleed la leeyahay illaa 6 wadan oo kala ah Mali, Niger, Benin, Togo, Ghana iyo ivory Coast

Wadanka Burkina Faso oo waagii hore loo aqoon jiray jamhuuriyadda Upper Volt waxaa magacaan Burkina Faso loo baxshay 04, bishii August sanadkii 1984.

Caasimada wadanka waxaa la yiraahdaa Ouagadougou tirada dadka wadanka u dhashayna waxaa lagu qiyaasaa 17.3 million oo ruux seedka gaadiidku isku dhaafaana waa dhanka midig lacagta wadankana waxaa la yiraahdaa Frank.

Dalkaan waxaa uu xorriyadiisa ka qaatay Faransiiska 05, bishii August sanadkii 1960 waana tan keentay in luuqada rasmiga ah ee dalka ay noqoto Faransiis, waxaase jira luuqado kale oo dadka wadanka u dhashay ku hadlaan oo ay ka mid yihiin Moore, Mandinka, iyo Bambara.

Dhanka siyaasadda dalkaan tan iyo markii uu madaxbanaanidiisa qaatay 2 m/weyne oo kaliya ayaa soo maray oo kala ahThomas Sakora oo ay ciidamadu dileen sanadkii 1987 iyo Blaise Compaoré oo sanadkaas talada wadanka qabsaday hase ahaatee todobaadkii hore ayuu is casilay dalkana ka baxay markii lagu kacay.

Dhanka Diimaha haddii aanu eegnana dalka Burkina Faso Muslimiinta ayaa ku badan waxaana ay bulshada wadankaasi ka yihiin 60.5% inkastoo ay jirto warbixin kale oo sheegaysa in Muslimiinta iyo masiixiyiintu ay simanyihiin tiro ahaan marka loo eego tirada dadka wadankaasi u dhashay.

Muslimiinta Burkina Faso waa Suniyiin u badan ahlu dariiqo ah inkastoo ay jiraan Shiico laga tiro badan yahay.

Dadka wadanka Burkina Faso waxay xagga dhaqanka kala mid yihiin dadka dega galbeedka Africa waxaana dadka dhulka miyiga ah dega dhar ahaan u xirtaan dumarka maryo u sameysan sida guntiinooyinka dumarka Soomaaliyeed xirtaan raggoodana maryo cawrada uun u qariyay ayay xirtaan inkastoo magaalooyinka dhar laga xirto.

 

Cunnaada marka aanu fiirino dadka wadankaasi waxay cunaan raashinka la beerto sida galayda, masagaada, dirita ayadoo noocyo kala duwan loo sameeyo iyo hilbaha xoolaha la dhaqdo, digaaga, ukunta, kaluunka oo laga sameeyo maraq loo yaqaan marka wadankaasi la joogo Zoom kom.

Xagga cayaarahana kubadda cagta, kubadda gacanta, tenniska, rugbiga iyo tartanka baaskiilada ayaa aad looga xiiseeyaa.

Xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA qiimeyn uu sameeyay waxaa uu ku sheegay in cayaaraha kubadda cagta aad looga xiiseeyo wadankaasi.

Xulka qaranka kubadda cagta dalka Burkina Faso waligii koob adduun kuma guulaysan meeshii ugu wanaagsaneyd ee uu gaarana waxay aheyd fiinaalka cayaaraha koobka qaramada Africa sanadkii 1998 oo dalkaasi lagu qabtay hase ahaatee waxaa gool kaga qaaday xulka Nigeria.

Heerka qiimeynta FIFA wadamada ugu cayaaraha fiican dalkaan waxaa uu kaga jiraa booska 42,aad.

 

W/isku ururshay Burhan Dini Farah

burhandiini@gmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip