Dowladda Federaalka oo la dhaliilay xilli dagaal beeleedyada faraha looga gubtay uu ka dhacayo Galgaduud

0
Saturday November 08, 2014 - 09:19:26 in Wararka by
  • Visits: 1317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka oo la dhaliilay xilli dagaal beeleedyada faraha looga gubtay uu ka dhacayo Galgaduud

    Guddoomiyaha degmada Balanbal iyo Xeraale Hareeri Xasan Barre ayaa ka warbixiyay xaaladda degmadaasi, wuxuuna sheegay inay ku guuleysteen kala qaadista maleeshiyo beeleedyo isku hor fadhiyay degaano u dhaxeeya Xeraale iyo Balanbal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha degmada Balanbal iyo Xeraale Hareeri Xasan Barre ayaa ka warbixiyay xaaladda degmadaasi, wuxuuna sheegay inay ku guuleysteen kala qaadista maleeshiyo beeleedyo isku hor fadhiyay degaano u dhaxeeya Xeraale iyo Balanbal.
Xaaladda nabadgelyo ee degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud ayaan cago badan ku taagneyn, kaddib markii la kala qaaday maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamay degaano u dhaxeeya Balanbal iyo Xeraale oo dadkii degenaa ay isaga qaxeen halkaasi.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in kala qaadista maleeshiyo beeleedyada ay iska kaashadeen maamulka Balanbale, Xeraale iyo qeybaha bulshada, isagoona sheegay in goobihii ay dagaalada ka dhaceen xaaladooda weli sideedii ku soo noqon, bacdamaa aanay weli dib u soo laaban dadkii degaanaa.

"Maleeshiyo beeleedyadii ku dagaalamay inta u dhaxeysa Xeraale iyo Balanbal waan ku guuleysanay inaan kala qaadno" ayuu yiri Guddoomiye Hareeri oo sheegay in dagaalka halkaasi ka dhacay uu ka dhashay aanooyin qabiil.

Guddoomiyaha Balanbal Hareeri Xasan Barre ayaa ku dhaliilay Dowladda federaalka wax ka qabasho la'aanta dagaalada beelaha ee ku soo noqnoqday gobolka Galgaduud, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Federaalka inay si degdeg ah u soo farageliso dagaalada u dhaxeeya dadka reer baadiyaha ah oo iyagu inta badan ku dagaalamaya ceel biyood, dhul daaqsimeedka iyo aanooyinka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip