Beesha caalamka ma waxay taageertaa qabiil mise Soomaaliya oo dhan?!!

0
Tuesday November 11, 2014 - 14:11:40 in Wararka by
  • Visits: 1910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha caalamka ma waxay taageertaa qabiil mise Soomaaliya oo dhan?!!

    Tan iyo markii xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya loo soo raray magaalada Muqdisho waxaa soo baxayay eedeymo la xariira in xafiiskaasi uu ku shaqeeyo qaab qabiil oo siyaasadeysan, iyadoo haatan arrintaasi bannaanka u soo baxday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya loo soo raray magaalada Muqdisho waxaa soo baxayay eedeymo la xariira in xafiiskaasi uu ku shaqeeyo qaab qabiil oo siyaasadeysan, iyadoo haatan arrintaasi bannaanka u soo baxday.
Xafiisyada UN-ka uu ku leeyahay magaalada Muqdisho oo loogu talo galay in howlaha faraha badan ee Qaramada Midoobay uu qabto, ayaa hadana waxaad moodaa in arrintaasi ay meesha ka baxday oo xafiisku shaqo ka dhigtay inuu taageero isla markaana shaqaale u qorto shaqsiyaad ka soo jeeda hal qabiil oo Soomaali ka mid ah, qabiilkaas oo loo yaqaan beesha Daarood.

Tusaale xubnaha beesha Daarood ee u shaqeeya xafiisyada Qaramada Midoobay waxaa ka mid ah: Nin lagu magacaabo Nuuradiin oo ah kaaliyaha xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo qabiilkiisu yahay Majeerteen, C/Qafaar oo ah UN Security qabiilkiisuna yahay Majeerteen, Cali Dooy oo ah xiriiriye xafiiska Madaxweynaha iyo UN-ka qabiilkiisuna yahay Majeerteen.

Maow oo ka tirsan xafiiska UNDP qabiilkiisuna yahay Ogaadeen, Qaliif oo ka tirsan EU-da qabiilkiisuna yahay Ogaadeen, C/Qani Cabdi Jaamac oo ka socda maamulka Jubba kana tirsan UNPOS qabiilkiisuna yahay Majeerteen, Maxamed Cabdi Afey oo qabiilkiisu yahay Ogaadeen waa wakiilka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Dhammaan xubnahaan beesha Daarood iyo kuwo kaleba waxay kuu caddeyneysaa in beesha caalamka ay taageerto qabiil gaar ah, iyadoo sheeganeysa inay ka shaqeyso danaha iyo horumarka dalka Soomaaliya.

Beesha caalamka ma waxay taageertaa qabiil mise Soomaali oo dhan?!! waa su'aasha maanta qof kasta oo muwaadin uu isweydiinayo, taasi oo beesha caalamka madaxda uga wakiilka arrimaha Soomaaliya ay dareemayaan sida shacabka Soomaaliyeed aanay ugu kalsooneynin howlaha loo soo igmaday, bacdamaa ay ka weecdeen inay ka shaqeeyaan midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo horumarkooda.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip