Siyaaraadka Sh Cabdi Celi Iyo Sh Muxamed Sh Cabdi Oo Lagu Qabtay Nairobi.

0
Tuesday November 11, 2014 - 23:13:36 in Wararka by Cali Sheekh Axmed
  • Visits: 2954
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaraadka Sh Cabdi Celi Iyo Sh Muxamed Sh Cabdi Oo Lagu Qabtay Nairobi.

    Waxaa Magaalada Madaxda Dalka Kenya Ee Nairobi Lagu Qabtay Siyaaraadka Culamaa'udiinka Somaaliyed Ee Kala Ah Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar Oo Ku Magac Dheer (Sh Cabdi Celi) Iyo Wiilkiisa Kadhaxlay Cilmiga Iyo Wilaayada Ee Sh Muxamed Sh Cabdiraxmaan O

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Magaalada Madaxda Dalka Kenya Ee Nairobi Lagu Qabtay Siyaaraadka Culamaa'udiinka Somaaliyed Ee Kala Ah Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar Oo Ku Magac Dheer (Sh Cabdi Celi) Iyo Wiilkiisa Kadhaxlay Cilmiga Iyo Wilaayada Ee Sh Muxamed Sh Cabdiraxmaan Oo Aalaaba Waqtigaan Oo Kale Lagu Qabto Daafaha Caalamka.


Xuska Culamaa'udiinka Somaliyed Ayaa waxaa Uu Ka Koobnaa Sida Caado U Ah Ahlusunna Waljameeca Qadmooyin Qur'aan Aqris Ah, Subacyo Qur'aanka Kariimka Ah, Salawaadka Rasuulka CSW Iyo Tawasulaadka Owliyada Alle Ee Arladeena Kumaneystay.

Waxaa Kaloo Xuska Kamid Ahaa Qaar Kamid Ah Qasaa'idka Mashaa'ikhda La Siyaaranay Oo Kamid Ah Owliyada Alle.

Intaas Kadib Xelqooyin Digri Ah Ayaa Halkaas laga Oogay Iyadoo Ay Ka Xadreeyeen Qaar Kamid Ah Duruuqu Suufiyah Oo Kala Ah Dariiqada Uweysiya Iyo Seylaciya Kuwaasoo leysku Dhaho Qaadiriya.

Mushamiriinta Xelqooyinka Ayaa Soo Bandhigay Digriyo Aad U Macaan Oo Soo Jiitay Quluubta Kasoo Qeybgalayaasha Siyaarada Oo Kumacaansaneyey Xelqada La Oogay.

Qaban Qaabada Siyaarada Ayaa Waxaa Lahaa Jameecada Reer Sh Cabdi Celi Ee Kusugan Dalkaan Kenya Gaar Ahaan Magaala Madaxdiisa Nairobi.

Gaba Gabadii Iyo Gunaanadkii Ayaa Halkaas Loogu Duceeyey Dhammaan Kasoo Qeybgalayaasha Siyaarada Hadey Ahaan Lahaayeen Kuwo Wax Bixiyey Iyo Kuwo Kasoo Qeybgalay Waxaana Dalkeena Soomaaliya Alle Looga Baryey Inuu Dhibaatada Kaqaado Oo Uu Soomaalida Dhaxdooda Heshiis Dhax-dhigo Owliyada La Siyaaranayey Fadligooda.

Siyaarada Mashaa'ikhda Ayaa Aheyd Mid Aan Loo Kala Harin Oo Ay Kasoo Qeybgaleen Qaar Kamid Ah Ahlubeydka Rasuulka CSW , Culamaa'udiin Caan Ka Ah Dalkeena, Odayaal, Dhalinyaro , Iyo Haweyn.

Jawiga Siyaarada Ayaa Kusoo Idlaaday Mid Reyn Reyn Iyo Farxad Kudheehan Waa Bahda Shabakada Warsheekh Xafiiskeeda Nairobi Oo Idiin Leh Sanadaan Sanadeeda Samo Iyo Siyaado Allaah Nagu Gaarsiiyo Aaamiin.

Qoraa Iyo Sawirqaade
Cali Sh Axmed (Caliyare)

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada Oo Dhan

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip