Taliyaha waxa uu sheegay in howlgaladaasi ay ku jiireen saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen gobolka Bakool oo uu tilmaamay inay halkaasi ka wadeen falal lidi ku ah nabadgelyada.
Jan. Ibraahim Yarow oo ah taliyaha ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa markii ugu horeysay ka warbixiyay howlgallo maalmahaan ka socday goboladaasi oo uu sheegay inay kula dagaalamayeen Al-Shabaab iyo kooxo burcad ah oo dadka nafta ku dhibay iyagoo ka qaadanaya hadba wixii ay heystaan.
"Way sii soconayaan howlgalada aan kula dagaalameyno Shabaab iyo burcadda ka qowleysaneysa gobolada Bay iyo Bakool" ayuu yiri Jan. Ibraahim Yarow oo sheegay dhinaca kale inay fuliyeen howlgallo ay ku qaadeen jid gooyooyin ay dhigteen kooxo burcad ah oo ay dadka ku dhibaateyn jireen.
Dhinaca kale taliyaha ciidamada gobolada Bay iyo Bakool ayaa hadalkiisa waxa uu intaasi raaciyay in guulaha ay ka gaareen howlgaladooda uu uga mahad celinayo shacabka ku dhaqan goboladaasi oo uu sheegay inay dhex martay wada shaqeyn buuxda.
Jan. Ibraahim Yarow: "Way sii socon doonaan howlgalada aan kula dagaalameyno Shabaab iyo burcadda"
Taliyaha waxa uu sheegay in howlgaladaasi ay ku jiireen saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen gobolka Bakool oo uu tilmaamay inay halkaasi ka wadeen falal lidi ku ah nabadgelyada.