Maxaad ka taqaan taariikhda cajiibka ah ee dalka Indonesia?!!

0
Friday December 05, 2014 - 12:05:20 in Wararka by
  • Visits: 7493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaan taariikhda cajiibka ah ee dalka Indonesia?!!

    Dalkaan oo jaziirado loo dalxiis tago u badan waxaa uu xaduud dhuleed la leeyahay wadamo ay ka mid yihiin Papua New Guinea, East Timor, iyo Malaysia sidoo kalena waxaa uu xagga badda xaduud kala leeyahay dalka Australia iyo dalal kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalkaan oo jaziirado loo dalxiis tago u badan waxaa uu xaduud dhuleed la leeyahay wadamo ay ka mid yihiin Papua New Guinea, East Timor, iyo Malaysia sidoo kalena waxaa uu xagga badda xaduud kala leeyahay dalka Australia iyo dalal kale.
Dalka Indonesia waxaa loo yaqaan Jamhuuriyada Indonesia waxaana uu ka mid yahay wadamada ku yaala koofur bari qaaradda Asia.

Caasimada wadanka waxaa la yiraahdaa Jakarta tirada dadka u dhashayna waxaa lagu qiyaasaa 252 million oo ruux waana taas tan ka dhigtay in dalkaan loo aqoonsado dalka 4,aad ee dunnida ugu dadka badan.

Dalkaan waxaa uu ku dhawaaqay inuu madaxbanaanidiisa ka qaatay dawlada Holland oo gumaysan jirtay 17 bishii August sanadkii 1945 hase ahaatee waxaa lagu dhaawaqay inuu dal madaxbaanidiisa qaatay 27 bishii December sanadkii 1949,kii.

Luuqada koowaad ee dalka looga hadlo waa Indonesian waxaase jira qiyaastii 700 oo luuqadood oo dalka looga hadlo oo dawladuna aqoonsantahay lacagta wadankana waxaa la yiraahdaa Rupiah gaadiidkuna dhanka bidix ayay isku dhaafaan.

Dadka taariikhda wax ka qora waxaa ay sheegaan in magaca Indonesia oo labo qeybood ka kooban inuu asal ahaan ka yimid Gariigii hore marka la macneeyana waxaa uu noqonayaa dhulkii jaziiradaha waxaana la aaminsan yahay in magacaan uu baxay bilowgii qarnigii 18,aad waxaana sidoo kale lagu tilmaamaa inuu yahay dalka 7,aad ee dunnida oo dhan ugu weyn.

Dalkaan waxaa ka jirta dawlad lasoo doorto madaxdeeda oo ku shaqaysa dastuur u qoran waxaana dalku leeyahay M/weyne, M/weyne ku xigeen iyo baarlamaan labo aqal ka kooban.

Indonesia oo ay ku nool yihiin qiyaastii 300 oo qawmiyadood qawmiyad walba waxay leedahay dhaqan u gooni ah oo badankood asal ahaan kasoo jeeda wadamada Carabta, Shiinaha, Hindiya iyo wadamo Yurub ah qawmiyad walbana dhar u gooni ah ayay dhaqan ahaan u xirtaan.

Sidoo kalena sida uu dhaqanka u kala duwan yahay ayay dadkuna u kala cunno duwan yihiin hase ahaatee raashinka ugu wanaagsan ee dadka lagu marti sooro waxaa ka mid ah kaluun la dubay oo dalkaasi marka la joogo loo yaqaan Ikan Bakar hilbaha digaaga caano iyo qudaar la jar jaray.

Xagga Diimaha haddii aanu eegnana diinta Islamka ayaa ah diinta dadka ugu badan ee dalkaasi ku nool ay haystaan waxaana sidoo kale lagu tilmaamaa in dalkaan uu yahay halka ay ku noolyihiin Muslimiinta caalamka ugu badan.

Xagga cayaarahana inta xiisaysa cayaaraha waxaa u badan ragga cayaaraha loogu jecelyahanayna waa kubbadda cagta.

Cayaartoyda kubbadda cagta Indonesia oo aan waligood koob adduun inay qaadaan ku dhawaan waxay mar qaateen Thomas cup.

Xagga isgaarsiintaa dalkaan waxaa uu ka mid yahay wadamada hormarka ka gaaray waxaa qiimeyn la sameeyay 4 sanno ka hor ay muujinaysaa inay heerka isgaarsiinta ay korortay 12.5%.

Qiyaastii 30 million oo taleefoon ayaa sanad walba laga iibsadaa suuqyada dalka Indonesia.

 

W/isku ururiyay Burhan Dini Farah
burhandiini@gmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip