Horyaalka 30-aad ee ciyaaraha fudud oo la soo gebagebeeyay

0
Friday December 05, 2014 - 12:27:23 in Wararka by
  • Visits: 2552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalka 30-aad ee ciyaaraha fudud oo la soo gebagebeeyay

    Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud ayaa shalay galab garoonka Banaadir ku soo xeray horyaalka 30-aad ciyaaraha fudud ee dalka, Horyaalka waxaana kasoo qayb galay Guddoomiyaha Gos Cabdullahi Axmed Tarabi, Madaxa Xiriirka Gos Xaaji Colow Madaxa a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud ayaa shalay galab garoonka Banaadir ku soo xeray horyaalka 30-aad ciyaaraha fudud ee dalka, Horyaalka waxaana kasoo qayb galay Guddoomiyaha Gos Cabdullahi Axmed Tarabi, Madaxa Xiriirka Gos Xaaji Colow Madaxa arimaha Gobolada Gos Ibraahin Roombe, Agaasimaaha waaxda isboortiga ee wasaaradda dhalinyarada Cabdullahi Aabow iyo Madaxda xiriirka ciyaaraha fudud.
Waxaa ugu horayn halkaas ka hdlay Xoghayaha Guud ee XSCF Maxamed Cabdullaahi Dhaaleeywaxuuna wabixiyay qaabtka uu tartanka u furmay , kaalmaha kooxaha iyo ciyaartoyda kala galeen waxuuna tilmaamay in habka bandhiga ciyaartoyda uu sanadkan aad u wanaagsaa sanadadii hore macalimiintana ay si wanaagsan u soo diyaariyeen ciyaartoyda.

Sidoo kale waxaa munaasabada xeritaanka ka hadlday ku-simaha guddoomiyaha XSCF Khadiijo Aadan Daahir waxayna si gaar ah ugu mahad celisay kooxaha iyo ciyaartoyda tartankaka qaybgashay oo soo bandhigay ciyaar asluub ku salaysan , waxayna dhanka kale sheegtay in xiriirka tix gelin gaar ah uu siin doono ciyaartoyda kaalmaha wanaagsan ka gaaray tartantan loona diyaarin doono in ay matalaan xulka qaranka.

Madaxa xiriirada Gos Xaaji Colow ou kuhadlayay mgaca Gos ayaa sheegay in uu marqaati ka noqday ciyaaro wanaagsan oo muujinaya in la heli karo ciyaartoy Soomaaliya matali ciyaraha Olombikada adunkaka 2016-ka dhici doonaa dalka Brazil, waxuuna xiriirka kula dardaarmay in ay halkooda ka sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan in ay ciyaaraha fudud horumariyaan.

Agaasimaha waaxda isboortiga ee wasaaradda dhalinyara iyo isboortiga oo xaflada ka halday ayaa tilmaamay in wasaaradu ku qanacsan tahay hanaanka wanaagsan ee wax u wadaan xiriirka ciyaaraha fudud taageerana ay lagarab taagan yihiin waqti walba , waxuuuna soo xeray horyaalki 30-aad ee ciyaaraha fududu.

Horyaalki 30-aad ee ciyaaraha fududu oo ay ka qaybggalayeen 8 koox ayaa koobab iyo bilado la gudoonsiiyay kooxihi iyo ciyaartoydii kaalmaha hore ka galay tartanka.

Naadiga Heegan ayaa uruursaday dhibcihi ugu badnaa xaga qiimaynta kooxaha waxaana lagu abaal mariyay koobka kaalinta koowaad, waxaa ku soo xigay kooxda Iimaan Hospital oo kaalinta labaad gashay noo kob lagu doonsiiyay , xagga gabdhaha koobka kaalinta 1-aad waxaa ku guulaysatay kooxda Iimaan labaadna waxaa gashay Olympic Fitness Centre.

Sidoo kale waxaa abaal marino la guddoonsiiyay SNTV iyo Radio Goobjoog oo ka qayb qaatay tabinta inta uu tartanka socday. dhanka kale Xiriirka ciyaaraha fudud ayaa abaal marin gaar ah guddoonsiyay Cabduqaadir Cali abiikar (Waraabe) oo ahaa halyeeygii maadoonka Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip