Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Mar Kale Dib Loo Doortay

0
Saturday February 04, 2017 - 13:20:16 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Mar Kale Dib Loo Doortay

    Waxaa maanta Magaalada muqdisho lagu Doortay Kursi ka mid ah Kuraastii Doorashadiisu ka dhacday Magaalada Jowhar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta Magaalada muqdisho lagu Doortay Kursi ka mid ah Kuraastii Doorashadiisu ka dhacday Magaalada Jowhar.

Doorashada maanta ka dhacday Xarunta School Polizio ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu dooratay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumadda Soomaaliya Maxamed xasan Nuux.

Kursigaan ay Doorashadiisa ka dhacday Xarunta School Polizio ayaa ka mid ahaa 5 Kursi oo ay Guddiga Xalinta Khilaafaadka horay u diideen Natiijadiisa Doorasho.

Xarunta ay ka dhacday Doorashada ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Nuux oo guuleystay helayna 43 cod, Hinda C/laahi oo heshay 1 cod iyo Nasro Axmed Cali oo tanaasushay, waxaana kursigan lagu balansanaa in ay ku tartamaan ilaa 6 Musharax.

Qaar kamid ah Musharaxiinta oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan Ogeyn waxa maanta dhacay islamarkaana uusan Guddiga War gelin.

Waa Xildhibaankii Afraat oo kamid ah Xildhibaanadii la laalay oo soo baxa waxaana Shantii Xildhibaan ka harsan Xildhibaan lagu Celiyay Jubbaland.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip