Dekedda Oo Guul Ku Daah Furta Horyaalka Xili Difaacdayaasha Heegan Ay Guuldarooyin La Dhibtoonayaan

0
Tuesday December 29, 2015 - 04:48:39 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dekedda Oo Guul Ku Daah Furta Horyaalka Xili Difaacdayaasha Heegan Ay Guuldarooyin La Dhibtoonayaan

    Xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Soomaaliya ayaa furmay maanta waxaana kulankii ugu horeeyay nasiib u yeeshay iney wada yeeshaan kooxaha Dekedda iyo Heegan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Soomaaliya ayaa furmay maanta waxaana kulankii ugu horeeyay nasiib u yeeshay iney wada yeeshaan kooxaha Dekedda iyo Heegan.
Kooxda Dekedda ayaa gaartay guushii ugu horeysay xagaagan kadib markii ay heleen gool yimid waqtigii dhimashada kaas oo uu saxiixay C/qaadir Yariis oo weerarka kaga ciyaara.

Heegan oo ah kooxda difaacaneya horyaalka ayaa la dhibtooneysa guuldarooyin is xiga waana midii sadexaad oo si xiriir ah usoo gaartay dhamaan tartamada oo dhan.

Si is xiga waxaa guul uga gaartay Horseed oo laba koob ka qaaday mudo 7-maalmood ah, markaana Dekedda ayaa (1-0) ku dubatay waana sheeko u xun kooxda difaacaneysa horyaalka.

Kulankaan ayaa noqday kii ugu horeeyay ee horyaalka heerka koowaad ah kaas oo si toos ah loo daawado, inkastoo laba ciyaar horay loo tabiyay kuwaas oo ahaa tartamo kale.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip