Tix Maanso cajiib leh oo laga tiriyay dhaqanka saaxibada Facebook

0
Sunday December 28, 2014 - 09:27:48 in Wararka by
  • Visits: 3377
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tix Maanso cajiib leh oo laga tiriyay dhaqanka saaxibada Facebook

    Ka xamaalo facebook Beentiyo xantaba badi Ka fogow xaqiiqdana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka xamaalo facebook Beentiyo xantaba badi Ka fogow xaqiiqdana
Sawirkaaga xoorroo
Midkaloo xatooyaa
Xayasiis u soo saar

Xog kastoo lasoo dhigo
Comentiga xasaradaa
Ku xariiq markaagoo
Xurmo yaysan kaa helin
Ka xanaaji kii qoray
Abuur xaalad aan jirin
Kii kula xisaabtama
Xanib oo block saar

Intaasoo xumaataa
Xiligays badalay iyo
Xawaaraha aduunyada
Xaasilkoodi weeyee
Xiliyadi horoo tagay
Haddii dumar xijaabnaa
Xishood iyo dulqaad jiray
Nimankuna xaqdhawr iyo
Xeer beeg lahaayeen
Xayasiiska dunidaa
Dhamaan xiiso galisoo
Dadkii xayn yar mooyee
Xarga goosi weeyaan.

Waxaa Tiriyay: Wariye Cali Maxamed

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip