Maamulka Gobolka Hiiraan oo Fariin u diray Waalidiinta Caruurta Shababka ah Dhalay

0
Thursday March 12, 2015 - 10:06:18 in Wararka by
  • Visits: 1080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Hiiraan oo Fariin u diray Waalidiinta Caruurta Shababka ah Dhalay

    Cabdi fitaax Xasan Afrax Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa fariin adag u diray Waalidiinta carruurtooda ay ku jiraan ururka Al-shabaab oo ka horjeeda Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliiya. Wuxuu sheegay gudoomiye Afrax i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi fitaax Xasan Afrax Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa fariin adag u diray Waalidiinta carruurtooda ay ku jiraan ururka Al-shabaab oo ka horjeeda Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliiya. Wuxuu sheegay gudoomiye Afrax in marka ay ciidamada amaanka gacanta ku soo dhigaan raga lagu eedeynayo Shabaab ay dabac socdaan waalidiintooda,islamarkaana u raadinaya qiil ay ku sii daayaan. Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan ayaa sheegay inay horay u dhacday in rag Shabaab ah oo la yaqaano ciidamada marka ay gacanta ku soo dhigeen ay ka daba yimaadeen, waalidiin ku doodaya in caruurtooda aysan Shabaab ka tirsaneyn oo ciidamada ay ku qaldameyn. Wuxuu sheegay in wixii hore iminka la isagala soo tagay oo ciidamada iyo Maamulka Gobolka go'aan wadajir ah ay ku qaateen, qofkii la arkaa isaga oo daba socda ama u doodaayo qof Shabaab ah in xabsiga la dhigo. Hadalkiisa wuxuu intaasi raaciyay inay jiraan xubno Shabaab ka tirsan oo dilal ka geysta Magaalada Baledweyne, habeenkiina dib ugu noqdo aqaladooda, isaga oo sheegay in gurigii lagu arko nin Shabaab oo kasoo baxaayo in lala wareegi doono. Hadalka Gudoomiye Gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax ayaa Waxaa uu imaanayaa Xili Gobolkaasi uu Ka socdo Dagaal ka dhan ah Al-shabab
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip