Jarmalka oo sheegtay in ay Gacanta Ku Dhigeen Buracad Badeed Soomaali  ah

0
Saturday March 21, 2015 - 07:36:03 in Wararka by
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jarmalka oo sheegtay in ay Gacanta Ku Dhigeen Buracad Badeed Soomaali  ah

    Mas'uul u hadlay booliiska jarmalka ayaa sheegay in shaqsigaani soomaaliga ah ay ka qabteen Magaalada Baafaariyaa oo dhacda koofurga dalkaasi. Mas'uulkaani ayaa sheegay in shaqsigaani oo kaga soo talaabay dhanka talyaaniga si sharci daro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul u hadlay booliiska jarmalka ayaa sheegay in shaqsigaani soomaaliga ah ay ka qabteen Magaalada Baafaariyaa oo dhacda koofurga dalkaasi. Mas'uulkaani ayaa sheegay in shaqsigaani oo kaga soo talaabay dhanka talyaaniga si sharci daro ahne uu usoo galay Jarmalka. Madaxa qorista dambiyada Gobolka Saksooniyaa ayaa shaaciyey in shaqsigaani soomaaliga ah ay ku tuhun san yihiin in uu kamid ahaa kooxo burcad badeed soomaali ah kuwaa oo afduub u geystay markab laga leeyahay jarmalka. "Waxa aynu ku tuhun sanahay in uu kamid ahaa shaqsiyaadkii afduubka u geystay markabka lagu magacaabo 'Marida Margherita' oo laga leeyahay wadankeena" Sidaana waxaa yiri madaxa qorista dambiyada ee Gobolka Saksooniya ee wadanka Jarmalka. Muwaadinkaani soomaaliga ah ayaa lagu wadaa in isniinta soo socoto uu kasoo hor muuqdo maxkamadda la saaro burcad badeeda ee jarmalka si wax badan loogu weydiiyo kiisaskaani lagu tuhmayo. Maxkamadda lagu wado in ay qaado kiiska muwaadinkaani soomaaliyeed ayaa horay xabsiyo ugu xukuntay dad ay sidaani oo kale ay la xiriiriyeen in ay ka jirtaanaayeen koox burcad badeed ah oo horay u afduubtay markabkaani jarmalka laga leeyahay. Dowladda jarmalka ayaa laga dhowrayaa magaca muwaadinkaani soomaaliyeed oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada booliiska jarmalka kadib markii ay ku tuhmeen ku lug lahaanshiyaha afduub loo geystay markab ay leeyihiin. Jarmalka ayaa Xeebaha iyo Bariga Soomaaliya waxaa kaga sugan ciidamo ay ku kala sheegeen in ay tababaro siinayaan Ciidamada Dowladda halka kuwa xeebaha ay ku tilmaameen in ay qeyb ka yihiin howl galka la dagaalka Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip