Abwaan Hadraawi oo Halis Galay ka Dib Daad Qaaday,,

0
Tuesday March 24, 2015 - 12:07:00 in Wararka by
  • Visits: 1955
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Hadraawi oo Halis Galay ka Dib Daad Qaaday,,

    Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in gaari uu watay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo saddex qof oo kale uu qaaday daad xoogan oo ka dhashay roobab halkaasi ku dhuftay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in gaari uu watay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo saddex qof oo kale uu qaaday daad xoogan oo ka dhashay roobab halkaasi ku dhuftay.
Abwaanka ayaa xiligaasi maraayay inta u dhexeysa magaalada Hargeysa iyo Berbera xili gaari ay wateen uu qaaday daad ku soo rogmay Dooxa Dacar Budhuq, waxaana halkaasi si dirqi ah loogu badbaadiyay Abwaanka, halka gaarigiisii la sheegay inuu qaaday daadka.

Abwaanka iyo saddex qof ee kale ayaa la socday gaari waxayna isku dayeen in ay dhexmaraan togga oo biyo xoogan marayeen sida uu Abwaan Hadraawi sheegay.

Dadka deegaanka Dacar Budhuq ayaa bad baadiyey afarta qof ee Abwaanku ka mid yahay xili ay biyuhu si xowli ah u wateen Gaariga iyo Afarta qof.

Abwaanka ayaa u mahadceliyey dadka deegaanka oo uu sheegay in alle ku sababay bad baadadooda.

Dhanka kale, Dooxa Dacar Budhuq ayaa xiliyada roobabku da’aan waxaa ku soo rogma biyo xowli saa’id ah ku socda soo mareen waxayna qaadaan gaadiidka iyo cidkasta oo isku dayda in ay dhexmaraan biyaha.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip