Milkiilaha Hotelka Maka Al-Mukrama''waxaan aaminsanahay waxa halaabay guddoomiyaha degmada Hodan ayaa haleeyey

0
Saturday March 28, 2015 - 10:19:27 in Wararka by
  • Visits: 1368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milkiilaha Hotelka Maka Al-Mukrama''waxaan aaminsanahay waxa halaabay guddoomiyaha degmada Hodan ayaa haleeyey

    Milkiilaha Hoteelka Makka Al Mukarama Gureey Cabdi Xasan oo la hadlay Idaacada Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Weerarka lagu qaaday hotelkiisa ay sababteeda leeyihiin maamulka Degmada Hodan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milkiilaha Hoteelka Makka Al Mukarama Gureey Cabdi Xasan oo la hadlay Idaacada Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Weerarka lagu qaaday hotelkiisa ay sababteeda leeyihiin maamulka Degmada Hodan.

Waxa uu sheegay Milkiilaha in Ciidamada Dowlada gaar ahaan maamulka Degmada Hodan uu gacan ka waayay, waxa uuna tilmaamay in Maamulka uu ka codsaday in uu xiro wadada dhabarka dambe Hotelka marta si loo xaqiijiyo amaanka Hotelka balse laga diiday sidaasna uu weerarka ku fududaaday.

"Waxaad moodaa in aanan la’ila shaqeynin, haddii la’ila shaqeyn lahaa wax badan ayaa badbaadi kari lahaa, waxaanan ila shaqeynin guddoomiyaha degmada, qarixii sedexaad markii uu dhacayay waxaan codsaday in aan jidgooyo sameeyo si aanan la’iigu soo galin, waa ii diidey in aan dhisto, markii aan isku daynay in aan u gudubno guddoomiyaha gobolka waa iga dabo tagay isaga oo iga been fariimaaya oo dhahaya wuxuu rabaa in uu jidka xiro” ayuu yiri mulkiilaha.

Milkiilaha Hotelka Maka Al-Mukarama ayaa tilmaamay in dhibaatada Hoteelka ka dhacday sababteeda ay qeyb ku leeyihin Maamulka Degmada Hodan kuwaa oo ka diiday in uu wadada Hotelka dhabrkiisa marta in uu xirto.

"Waxii dhici karay waa dhaceen dhibaato ayaana dhacday Aniga waxaan aaminsanahay waxa halaabay guddoomiyaha degmada Hodan ayaa haleeyey” ayuu intaasi ku daray.

Rag Hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab weerar qorsheesan waxa ay ku galeen Dhismaha Hotelka Maka Al Mukaeama waxaana wali lasoo sheegayaa in qaar kamid ah raga hubeesan ay wali ku dhax jiraan qeybo kamid ah Hoteelkaasi kana dagaalamyaaan,

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip