Sheekh Shariif Madaxweeyne & Amiirul Muminiin Taariikhda Somalia wax ka Bedelay....

0
Sunday April 19, 2009 - 12:15:55 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif Madaxweeyne & Amiirul Muminiin Taariikhda Somalia wax ka Bedelay....

    22 Rabi-al Thani 1430 ama 18 April 2009 waa maalin mudan in umada somali eey xusto, waa maalintii shareecada Islaamka eey meel fagaaro ah ku lagaday mabda´ii calmaaniyada oo eey noo soo minguuriyeen gaaladii dalka gumeeysiga ku timid 1891 waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

22 Rabi-al Thani 1430 ama 18 April 2009 waa maalin mudan in umada somali eey xusto, waa maalintii shareecada Islaamka eey meel fagaaro ah ku lagaday mabda´ii calmaaniyada oo eey noo soo minguuriyeen gaaladii dalka gumeeysiga ku timid 1891 waxaa xusid mudan in mabdaįa calmaaniyada eeyana ku soo dhaqmayeen dowladihii kala duwanaa ee uu dalka soo maray xornimadii ka dib, waxaa sharaf aheeyd in Cabdi Mumin in uu xiligaan alifo heestii wadadii cadeeyd

WADADII CADEEYD " SHAREECADA " CAGTA SAARNAYE KU CARABIYO CIMRIGII JIRYOO JIRYOO CAYNAANKA HAAY HAAY HAAY WALIGAA HAAY,CAQLI TOOSAANOO CAAFIMAAD QABAA NAGU CAYMISEE CIMRIGII JIRYOO CAYNAANKA HAAY HAAY HAAY HAAY WALIGAA HAAY, KUWII CIILKA QABEE CALMAANIGA AHAA CIIDA HA GALAANEEN CIMRIGII JIRYOO CAYNAANKA HAAY HAAY HAAY WALIGAA HAAY
 
Waxaan halkan hambalyo ugu dirayaa dhamaan muqaawamada,caruurta shuhadada iyo xaasaskii eey ka tageen,dhamaan inta nafta iyo maalka ku bixisay halgankii dheeraa ee ujeedadiisu aheeyd in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka iyo in kalamada alle eey kor noqoto,waxaan sida oo kale hambalyo dhahayaa dhamaan inta qalbiga ka jecleeyd in shareecada Islaamka eey mudan tahay in lagu dhaqmo una hiilisay,sida oo kale dhamaan wallaalaha websidyada afka somaliga ku hadla ee juhdiga ku bixiyay ka qeeyb qaadashada la dagaalankii cadowga Ethiopia iyo kuwii dalka keenay iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka in eey aheeyd mida kaliya ee dalka ku soo celin karta nabada iyo kala danbeyn qarankii burburay 1991.
 
Waxaa dhab ah qaadashada shareecada Islaamka in eey ku jirto raxma dhamaana umada somaliana eey iyada ku filan tahay,waxaa shaki ku jirin mudana in loo istaago sidii ey ku dhaqan geli laheeyn shareecada,waxaa iaga dardaaran ah:

1) Xildhibaanada ka soo kala jeeda gobolada weli calmaaniyada looga dhaqmo sida somaliland iyo Puntland in eey qaadaan risaalada ku dhaqanka shareecada Islaamka ee aad goįanka ku gaarteen idinka oo ku wargelinaya in dalka somalia uu yeeshay dowlad Islaami ah ruuxwalbana eey mudan tahay in eey isku dhiibto shareecada Islaamka si buuxda,haddii eeyan dhicin sidaa waxaad mudaneeysaan in xilkiina lagu bedelo kuwa u hiilinaya ku dhaqanka shareecada Islaamka ee ka soo jeedo goboladaa.

2) Wallaalaha al-Shabaab & Xibul Islaam waxaan farayaa in haddiiba dalka uu galay marxalad ka duwan midkii uu ku jiray lana qaatay ku dhaqanka shareecada Islaamka in aan u howlgashaan sidii aad ugu mid noqon laheeydeen taaba gelinta ku dhaqanka shareecada Islaamka,somlaida waxeey dhahdaa Salaadba waqtigeedaa la tukadaa wallaalayaal xiliga lagu jiro waa xilig dahabi ah oo mudan in laga faaķideeysto haddii kale waxaa ruuxwalba la weeydiin aduunka danbe ninwalba wax uu ku diiday ku dhaqanka shareecada,waxaan ku soo gaba gabeeyn aniga oo aad u faxsan:.Muqaawamada dhiisheey noo ruxeen ayaan caanaheeda dhameeynaa. Alow dhameeystir inta u dhiman. Nin la sugayoow adna yaad sugin
 
 
 
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip