Mareeykanka oo Si Adag Uga Hadlay Weerarkii Wasaarada Tacliinta Sare

0
Wednesday April 15, 2015 - 11:04:22 in Wararka by
  • Visits: 1304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareeykanka oo Si Adag Uga Hadlay Weerarkii Wasaarada Tacliinta Sare

    April 15, 2015 Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty ayaa waxaa si adag uu u cambaareeyay werarkii arxan darada ah ee lagu qaadey wasaaradda taclinta 14-kii April, waxaanu markale u xaqiijinayaa Dowladda Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

April 15, 2015 Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty ayaa waxaa si adag uu u cambaareeyay werarkii arxan darada ah ee lagu qaadey wasaaradda taclinta 14-kii April, waxaanu markale u xaqiijinayaa Dowladda Mareykanka in ay garab taagantahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed si looga horjeesto ururka argagixisadda ee Al-Shabab.
Ergeyga waxaa uu u mahad celinayaa cidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sida ay usoo gabagabeeyeen werarkan, iyagoo qaarkood ay naftoodu ku waayen goobtaasi.

Werarkan ay fulinimada ku dheehantahay ee lagu qaadey wasaaradda waxbarashada ayaa waxay cadeyneysaa in argagixisadda ay ka soo horjeedaan hormarinta taclinta dadka Soomaalida. Werarakan nagama wecin doono la dagaalanka aan kula jirno xagjirnimadda iyo qatarata Al-shabab ay ku hayso Soomaliya iyo wadamada bariga Afrika.

Dowladda Mareykanka waxaa ay gaarabtaagantahay umadda Soomaliyeed si looga tirtiro argagixisada dhamaan dalka Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip