Daawo sawiro''C/Kariin Xuseen Guulleed oo ku Dhawaaqay Musharaxnimadiisa

0
Tuesday April 21, 2015 - 19:24:10 in Wararka by
  • Visits: 2218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo sawiro''C/Kariin Xuseen Guulleed oo ku Dhawaaqay Musharaxnimadiisa

    Cabdikariim Xuseen Guuleed oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharax gobolada dhexe Xaflad balaaran oo ka dhacday hoolka shirarka ee madaxtooyada Ximan iyo Xeeb halkaasi oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa waxaa maant

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharax gobolada dhexe Xaflad balaaran oo ka dhacday hoolka shirarka ee madaxtooyada Ximan iyo Xeeb halkaasi oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa waxaa maanta si rasmi ah musharaxnimadiisa oga dhawaaqay Cabdikariim Xuseen Guuleed oo horey u ahaa wasiirka arrimaha gudaha.
Musharaxnimada Cabdikariim oo hadal heyn uun ku koobneyd wixii hadda ka horeysey ayaa waxaa isaga afkiisa laga maqlay markii ugu horeysey, wuxuuna codsaday in xilkaasi loo doorto.
Madasha xafladda oo si weyn loosoo buuxiyey ayaa waxaa soo xaadirey odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolada dhexe qaarkood, haweenka iyo dhalinyaro, waxaana darbiyada madasha lagu xardhey boorar waaweyn oo uu ku yaala sawirka musharaxa iyo halku dhig oranaya "Maamul loo dhanyahay iyo caddaalad loo simanyahay”.
Musharaxa ayaa sidoo kale ifiyey aragtida uu ka qabo dowladda dhexe ee federaalka, maamul goboleedyada kale iyo waliba dalalka dariska ah, wuxuuna yiri
Ugu dambeyntii Cabdikariim ayaa codsaday in uu xaq u leeyahay in kaalin laga siiyo hoggaaminta shirka maadaamaa uu ku dhawaaqay in uu musharax yahay, waxa uu sidoo kale farta ku fiiqey qaar ka mid ah saxiixayaasha oo uu sheegey in ay musharixiin yihiin, islamarkaasina ay shirka maamulayaan taasina aysan ahayn hufnaan
Intii ay socotey hadal jeedintiisa waxaa meerisyo suugaaneed iyo heeso soo dhexgalinayay qeybo ka mid ah haweenka, iyada oo markii dambe kooxaha fanka ay masraxa kasoo bandhigeen kaalimo suugaaneed oo ay ku taageerayaan musharaxa.
Shucuurta musharaxa ayaa laga dareemi karay isbadal markasta oo kooxaha fanka ay si xamaasadaysan wax usoo bandhigan, iyada oo sidoo kale kasoo qeybgalayaasha ay sacab ku dhufanayeen, qaarkoodna ay madasha ku daadinayeen baakado nacnac ah.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip