Natiijada doorashada madaxweynaha Kenya oo maanta lagu dhawaaqayo

0
Friday August 11, 2017 - 13:11:26 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijada doorashada madaxweynaha Kenya oo maanta lagu dhawaaqayo

    Dadka reer Kenya ayaa u dheg-taagaya maanta natiijada rasmiga ah doorashada madaxtinimada dalka oo lagu wado in ugu danbeyntii maanta lagu dhawaaqo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka reer Kenya ayaa u dheg-taagaya maanta natiijada rasmiga ah doorashada madaxtinimada dalka oo lagu wado in ugu danbeyntii maanta lagu dhawaaqo.


Hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa ka soo hor dhacay natiijada maanta la sugayo, iyaga oo maalintii shalay sheegay in doorashada madaxweynaha dalka Kenya uu ku soo baxay Raila Odiga oo sida ay hadalka u dhigeen helay 8 milyan oo ka mid ah guud ahaanba codadkii la dhiibtay, iyaga oo intaa ku darray in Raila Odinga uu kaga adkaaday Uhuru Kenyatta wax ka badan 600 oo kun oo cod.

Guddiga doorashada ayaa mucaaradka uga digay sheegashada in uu guulaystay Raila Odinga, waxaana ay intaa ku darreen in cid aan gudiga aheyn ku dhawaaqi karin natiijada.

Shalay galab guddiga doorashadu waxey sugayeen ilaa iyo 170 form oo ka imaanayay 290ka deegaan doorasho ee Kenya, iyo ilaa iyo Kun form oo kale oo Iyana ka imaanayay 40, 883 goob codbiin.

Cabsi laga qabo rabshado dilaaca marka natiijada lagu dhawaaqo ayaa si weyn uga oogan dalka Kenya, madaama maalintii shalay meelaha qaar dalka Kenya ay ka dhaceen dibadbaxyo khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba sababay.

Warbaahinta guud ahaanba caalamka ayaa siweyn isha ugu haya natiijada kama danbeysta ah ee la filayo in ay guddiga doorashada maanta ku dhawaaqaan iyo cidda ku guuleysan doonta kursiga ugu sareeya tallada dalka Kenya ee madaxweynaha.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip