Dharkenley iyo kaxda oo wacdaro ka dhigay Tartanka futsalka degmooyinka Gobalka Banadir

0
Thursday April 23, 2015 - 12:35:26 in Wararka by
  • Visits: 1604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dharkenley iyo kaxda oo wacdaro ka dhigay Tartanka futsalka degmooyinka Gobalka Banadir

    Degmooyinka Kaxda iyo Dayniile ayaa shalay galab kulan kuwada qaatay garoonka lagu ciyaaro tartanka futsalka ee degmada Howlwadaag , labada degmo ayaa qeyb ka ah degmooyinka ka qeyb galaya tartanka Futsalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmooyinka Kaxda iyo Dayniile ayaa shalay galab kulan kuwada qaatay garoonka lagu ciyaaro tartanka futsalka ee degmada Howlwadaag , labada degmo ayaa qeyb ka ah degmooyinka ka qeyb galaya tartanka Futsalka
waxaana labada degmo ay soo bandhigeyn ciyaara aad loo jecleysto waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 3-1 ay hogaanka ku hayaan wiilasha degamada Dayniile.

Qeybtii labaada ee ciyaarta degmada Kaxda ayaa waxa ay soo bandhigtay ciyaar aad ugu wangsaneed qeybtii hore ka dib markii wiilashandegmaad Kaxda ay abuureyn fursado badan ay iskaga soo gudeyn goolashii lagu lahaa balse degmada Kaxda ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta ka fursado badneed wiilasha degmada Dayniile, waxaana ciyaarta waqtigii loogu talagalay ay ku soo idlaatay 3-1 ay guusha ku racaady wiilasha degamada Kaxda, degmada Dayniile ayaa 26-04-2015 waxa ay la

ciyaaridoona wiilasha degamada Dharkenley oo guul ka soo gaaray degamada Shingaani, halka wiilasha degamada Kaxda ay la ciyaaridoonaan 28-04-2015 wiilasha degamad Shingaani oo guul daro ka soo gaartay degamada Dharkenley.

Isla garoonka ayaa marti geliyay kulankii labaad waxaana kuwada ciyaaray degmooyinka Dharkenley iyo Shingaani , waxaana ciyaarta labada degmo u soo daawasho tagay masuuliyiinta isboortiga labada degmo iyo taageerayaal aad u soo buuxdhaafiyay oo ka kala yimid labada degmo.

Waxaana ciyaarta ay ku bilaawaatay dardar xoogan iyo xiflaatan dheere ah balse qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-1 ama barabaro.

Qeybtii labaad ee ciyarata wiilasha Shingaani ayaa waxa ay iska lumiyeen fursado badan oo loo filan karay goolal , balse wiialsha Dharkenley ayaa fursadihii ay iska lumiyeen degamada Shingaani ka faa idaysateyn waxaana ciyaarta ay ku soo gebagebaday 4-1 ay guuasha ku racaady wiilasha degamada Dharkenley, wilasha Dahrkenley ayaa kulankii labaad oo xariir ka gaaray tartanka Futsalka degmooyinka gobalka Banadir, Dharkenley ayaa 26-04-2015 waxa ay la ciayaaridoonaan

wiilasha degamada Dayniile oo guul daro wata, halka degamada Shingaani ay 28-04-2015 la ciyaardoona wiilasha Kaxad oo guul ka soo gaaraty degamada Dayniile.

Galabata ayaa lagu wadaa in garoonka ay ka dhacaan kulamo ka tirsan tartanka Futsalak degmooyinka Gobalka Bandir kulanka hore waxaa wada ciyaaridoona Waaberi iyo Xamar JaJab, Waaberi ayaa 7-6 kaga soo adkaatay degamada Howlwadaag, halka Xamara JaJaba ay 4-2 kaga soo adkaadeyn wiilasha Warta Nabad, kulanka labaad ee galabta waxaa wada balansan martigeliyaasha tartanka ee Howlwaad iyo Warta Nabada labada degmada ayaa guul daro kala soo kulamay Waaberi iyo Xamar JaJab.

W/D: Maxamed Xuseen Qalinle

Email:qalinle39@gamail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip