Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Xabsi ladhigay

0
Sunday April 25, 2021 - 13:12:14 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Xabsi ladhigay

    Xukuumada Somaliland, ayaa xabsiga dhigtay Cabdillaahi Xasan Xirsi, Ibraahim Cabdi Xuseen oo ka sharaxan xisbiga UCID iyo Qaasim Adan Saleebaan oo ka sharaxan xisbiga Waddani.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland, ayaa xabsiga dhigtay Cabdillaahi Xasan Xirsi, Ibraahim Cabdi Xuseen oo ka sharaxan xisbiga UCID iyo Qaasim Adan Saleebaan oo ka sharaxan xisbiga Waddani.

Musharax Ibraahim Cabdi Xuseen ahna xogeeyaha diinta iyo awqaafta ee xisbiga UCID, ayaa ka sharaxan gobolka Maroodijeex halka uu Cabdillaahi Xasan Xirsi na ka sharaxan yahay gobolka Saxil.

Musharax Qaasim Adan Saleebaan aya isaguna xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uga sharaxan gobolka Sool, waxana jira sawiro uu la galay qaar kamida madaxda dowlada Soomaaliya oo maalmihii u danbeeyay baraha bulshada ku faafay.

Majirto cid ilaa hada si rasmiya uga hadashay xadhiga musharixiinta.

Xukuumada Somaliland, ayaa xabsiyada dhigtay tirro musharixiin ah tan iyo markii ay bilaabantay xulista musharixiinta doorashada 31 May, iyadoo markii danbena lasii daayay iyadoo aan xukun maxkameed ku dhicin dhamaantood ba.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip