Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu Eedeyay in ay kasoo Horjeedo Maamul loo Sameeyo Gobolada Mudug iyo Galgaduud Cabdi Waaxid shire Indha yare Gudoomiyaha Ururka Dhalinyardda Gobolada Mudug iyo Gal-gaduud oo la Hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayna Mar'naba Rabin Maamul ka Dhisma Gobolada Dhexe
Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay Aqbashay Hadl ay usoo Meeriyeen Maamulka Puntland kaasi oo ahaa in Gobolka Mudug Labo loo Kala Dhigo Taasi oo uu ku Tilmaamay Xad Gudub dastuuri ah
Maamulka Puntland ayuu sheegay in ay Mar Walbo ka shaqeeynayaan Isku Dirka Dadka Gobolka Mudug Dowlada Federaalka ahna ay Calanka u Luleeyso Waxaa uu Carabka ku Dhuftay Xitta in ay Dowlada Jartay Dhaqaalahii ay ku Bixin Jirtay Shirka Maamul u sameeynta Gobolada Dhexe
Cabdi Waaxid shire Indha yareGudoomiyaha Ururka Dhalinyaradda Gobolada Mudug iyo Gal-gaduud waxaa uu Dowlada Soomaaliya ugu Baaqay in ay Sinto Dadka Soomaaliyeed oo ayna Midna Madax saarin Midna ka Sii Jeesan
Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe ayaa Waxaa uu Haatan u Muuqdaa Mid Hakad Galay
Dhageeyso:-Dowladda Soomaaliya oo Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe taag Cad Saareeysa
Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu Eedeyay in ay kasoo Horjeedo Maamul loo Sameeyo Gobolada Mudug iyo Galgaduud