War kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Puntland Cabdullahi Maxamed Jaamac (Quraan jeccel) ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay qoraalo lagu faafiyay baraha internetka oo sheegayay inuu M/weynaha Puntland C/wali Gaas u kala diray golihii deegaanka Garowe islamarkaana uu magacaabay gudoomiye cusub.
Cabdullahi Maxamed Jaamac (Quraan jeccel) TV maamulka Puntland ayaa sheegay qoraaladaasi inay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo looga been abuuranayo madaxweynaha Puntland.
” Madaxweynuhu ma jirto cid uu kala diray haday ahaan lahayd golaha deegaanka degmada Garowe, mana magacaabin gudoomiye cusub, ” ayuu yiri afhayeenka xukuumada Puntland oo intaas kusii daray inay ka xun yihiin cida ka dambeysa been abuurka ku saabsan golaha deegaanka degmada Garowe.
Xildhibaan Cabdi Qaadir Nuur Aadan oo katirsan golaha deegaanka ee degmada Garowe ayaa sheegay waajibaadkooda shaqo inuu ku egyahay 21 bisha 8-aad ee sanadkaan, Wuxuuna warsidaha Puntandi u xaqiijiyay inay haatan socoto xulista xildhibaanada golaha deegaanka degmada Garowe.
Halkaan Akhriso Warqad laga qoray
Xog+Caddeeyn Warqad laga Qoray C/Gaas oo ka Nixisay''
War kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Puntland Cabdullahi Maxamed Jaamac (Quraan jeccel) ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay qoraalo lagu faafiyay baraha internetka oo sheegayay inuu M/weynaha Puntland C/wali Gaas u kala diray golihii deegaanka Garowe is