''Wasiir Warancadde iyo Sharma'arke Dadka Yemen ka Yimid ayaa Kalla saari Karra''(faallo)

0
Sunday May 31, 2015 - 16:34:44 in Wararka by
  • Visits: 1589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ''Wasiir Warancadde iyo Sharma'arke Dadka Yemen ka Yimid ayaa Kalla saari Karra''(faallo)

    Hadal aan Fiirsi Loo Dhihin iyo Caanno aan Fiiqsi loo Cabin Feeraha'beey Waxyeeleeyaan Waa hadal uu Horay u Yiri Abwaan Tagay Taariikhdunna Waa ma Dhunto waana Tiir Taagan Waligeed Wasiirka Arimaha Dibadda Maamulka Gooni isku Taagga ah Ee Soomaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadal aan Fiirsi Loo Dhihin iyo Caanno aan Fiiqsi loo Cabin Feeraha'beey Waxyeeleeyaan Waa hadal uu Horay u Yiri Abwaan Tagay Taariikhdunna Waa ma Dhunto waana Tiir Taagan Waligeed Wasiirka Arimaha Dibadda Maamulka Gooni isku Taagga ah Ee Soomaaliland Horaantii Isbuucii Tagay ayaa Waxaa uu sheegay asigoo Dhoolla Caddeeynaayo in ayna Marsa Berberakazoo Degi Karin Dadka Dhibaato Xoogan Yemen ku heeysa Ee Ay u Suura gashay Qaarkood in ay soo Baxsadaan Waliba asigoo U Qiildayaayo


Hubaal Marka uu Hadlakasi sheegayay Warnacadde in ay Biyaha Badda soo Mushaaxayeen Maraakiib Kumanan Maati Caruur iyo Dumar u Bdaan sidday oo aan ka Warheeyn Hadalka loo Qaateeynka aheyn Ee Kasoo yeeray Waranacadde

Colaadda iyo Cadawtinimadda Soomaalidda Ku Beeran tahay ayuu qeyb ka Qaatay Wasiir Warancadde Ee Ma sameeyn Qalad Sababta aan Taas u leeyahay Waxaa ay Tahay ma Jirto Duni iyo Dad Muslin ah Toona Cid Wali Si Rasmi ah ugga hadashay Ficilka Foosha Xun Cuqadaduna Ku Beeran tahay Ee kazoo yeeray Maamulka Soomaalind Waxuuna Garaawsaday in uu bal Awoodi Karaayo Taas Malaha Hooyo Soomaaliyeed mayna Dhalin amasa U Dhixin Markuu Qabsigga Markabka Ay ku ooyneeyso Hooyo Soomaaliyeed oo ku Dhawaaqeeyso’’’ Soomaali ma Ahi miyaa’’’

Haba Socoto sheekadduye Waxaa Dekadda Magaaladda Berbera Kusoo Xirtay Markab ay Saarnaayeen ku Dhawaad 2,000 oo iskugu Jira Soomaali iyo yemen Kuwaasi oo kazoo Baqday Colaadda Dalka yemen Hubaal in ay Markii ay Arkeen Marsadda Farxad Dareemeen Balse ‘’Roob Bacaad ku Da’ay iyo Cuqdad Calool Gasho Tooni Faa’iido ma keenan ‘’ Kolkii uu soo Xirtay Markabka ayaa waxaa Halkaasi ka Dilaacay Muran Xoogan oo Maamulka Dekadda iyo Kan Gobolkaasi u Dhaxeya oo ku aadan soo Dajinta Dadkaasi

Sidda lasoo wariyay Masuulinta oo isku Laabtay ayaa waxaa ay Go’aan ku Gaareen in aan la Beeneeyn Hadalkii wasiirka oo Dadkaasi Markabka Maxbuus Looga dhigo

Hadii Dadkaasi Qarsin Qalooca Mudada ku Jiray Hadane Dagaaladdu Ragaadiyeen La Simi lahaa wax beey ahaa Laheed Hase’yeeshee Iyadoo Lagu Dhawaaqaayo yaa Qolla Heblo ah ayaa Waxaa lasoo Dajiyay Tiro Yar oo dad ah Kuwaasi oo Lagu sheegay in ay Dhasheen Soomaaliland ‘’ Soomaaliland ‘Iyaddu waa Tumma Taasi Waxaa ay ooyin iyo Murugo ku beertay hooyooyin soomaaliyeed oo is Cellin wayay afka Furtay

‘’Hooyo Soomaaliyeed ayaan ahay Dalkeeyga ayaan kusoo Laabtay Maxaa Noolla kalla Soocayaa Koonfur ayaan kazoo Jeedaa iima Qorsheeysno in aan Aado Burco iyo Hargeeysa in aan ku Noolaaddo ayaan rabaa’’ ayey Tiri Hooyo Markaasi Ilintu ka Qubaneeysay

‘’’Walaahi Bilaahi anigga iyo Caruurteeyda Badda ayaan isku Tuureeynaa Aduunka Wax kale Noomma yaalaane Haddii dalkeeynii aan usoo Cararnay Nagalla Celinaayo’’Sidaasi Waxaa Tiri Mid kallle oo Ruux Muuq Daawo Damiir Dadnimana leh uu ka Damqanaayo

Labadda Hooyaddu Dhasha’ba Waxaa La Yiri Isku Mid Ma’ Noqondaan Midna Waa Samaadaa Midna Wuu Xummaadaa Waxxaan Ulla jeedda Sharma’arke’’ Waaa Wiil 12 Jir Ah waxaa uu ku Nool yahay Muqdisho Waa Baalashle ama Caseeye Asigoo Gaari Saaran ayuu Raadiyaha ka dhageeystay Dad Soomaaliyeed oo ooynaya Kunna Sugan Dalka Yemen oo ay Dagaallo ku Qabsadeen Waa uu ka Damqaday Waxuu Yimid Goob uu Markaasi Macmiiil uu Kabaha u Baalasho ku Lahaa waxaa uu Arkay Dad Aruurinaayo Lacaggo dadkaasi lagu soo Samma Bixinaayo

Sharma’arke Allaha daayee Qeyb ayuu ka Qaatay Gurmadkaasi Waxuu Bixiyay 1$ oo ay Suura gal tahay in uu Maalintaasi oo Idil Dhaqeeysan Warancadde iyo Sharma’arke waa laba Ruux oo Soomaali ah Maanta ‘’’Maxuu Yahay Farqiga u Dhaxeeya’’ Hadii Adigoo Yemen kazoo Carar Lagu weeydiin lahaa Maxaad ku jawaabi laheed’’

Soomaalida Waxaa Lagu Yaqiin Marti Soor Musaafir Caawiyo dalalka Dunidda Waaa mid aan Ugga Heybad Wanaagsanahay Dad soo Dhaweeynta Hase’yeeshee Waxaa Taasi Dacal ka jeexay Maamulka soomaaliland oo ku Tuntay Mansafka Soomaaliyeed iyo Midka aadannimo

Wali Ma Jirto Culu’mo am Cuqaal Reer Waqooyi Galbeed ah oo Arinkaai Guracan ka Hadlay Waxaana Taas oo Turjumi Karaa Reer Iska warqabo Dagaal ay Qaadaan Dabadiis lama Joogsado

Ammaan iyo Boggaan Waxaa Mudan Maamulka Puntland oo Dhabtii Buuxiyay Labo Kaalin oo ay Gabeen Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland Dadka kazoo Cararay Dagaaladda Dalka yemen Markii ay soo Gaareen Dekadda Boosaaso Ee Gobolka Bari Waxaa la Dajiyay Xero loogu Talla Galay waxaa loo Bireeyay Geel Barriis’na waa loo kariyay Busteyaal Dhaxanta ay ku Hugtaan’na waa loo keenay Intaasi oo Hiil Dadnimo Deeqsi iyo Dadaal ah waxaa sameyay Maamulka Puntland

Dadkaasi qaarkood Waxaa loosoo Amba Bixiyay degaanaddii ay Kasoo jeedeen oo Waxaa lasoo saaray Gawaari uu Maamulka Puntland kireeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali gaas ayaa Taggay Magaaladda Boosaaso Waxaa uu Booqday Xeryaha ay Dadkaasi Deggan Yihiin Waxaa uu Dadka Soomaaliyed Ku Booriyay kaalmeeynta Walaalahoodda Soomaaliyeed

Xummaan iyo Wanaag La Xisaabtankeedda waxaa leh Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya wali kamma hadlin falka uu Maamulka Soomaaliland Maatidda Soomaaliyeed Dekadda Berbera Uga Ciilaayo oo Dhagaha ayey ku Fureeysatay Sababtoo ah Hooyo Wiil Walal Toonna Dekadda Berbera ugma Xayir’na Masuulka oo Turkigga ayey Dadkaasi Deggan Yihiin

Haddii aan Tan Adduunka la Isku weeydiin Hubaal in Aaqiro leeysku weeydiinaayo Waxaad u Dhaaratay inaad Dalka Dadka iyo Diinta Ilaalineeysid ‘’Dadkii aad ku Dhaaratay meyay masuul

Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya waxaaa La Gudboon in ay Dadkaasi Soomaaliyeed Ee ay Masuulka ka Tahay Dhaxanta iyo Dabeeysha kazoo Xera Celiso Jidkii ay Doonto ha u Martee

Gunaadka Qormadeeyda Kooban waxuu Yahay’’ ’’Wasiir Warancadde iyo Sharma’arke Dadka Yemen ka Yimid ayaa Kalla saari Karra’’

F.G Waa faallo Fikir ah Ma Jecli in aan Shaqsi u Gaffo Hase’yeeshee Cidii carraddu qalanka ku Dhaftay Raali Galin Buuxda

Waa Qormaddii Mohammed Abdullaahi Omar (Wiire)

Wiire1994@gmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip