CULUMADII DIINTA IYO CEEBTA SOOMAALIYA

0
Tuesday June 09, 2015 - 12:20:47 in Wararka by
  • Visits: 1741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CULUMADII DIINTA IYO CEEBTA SOOMAALIYA

    Waxaay aheed arin farxad gelisaay dad badan oo xiligaas u taag waayey hormaradii kooxdii diinta tiirarkeeda mid ka mid ah sheegatay ee AL SHABAAB oo ku andacooneeysay in ay jihaad kula jirtay dowladii xiligaas jirtay ee Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaay aheed arin farxad gelisaay dad badan oo xiligaas u taag waayey hormaradii kooxdii diinta tiirarkeeda mid ka mid ah sheegatay ee AL SHABAAB oo ku andacooneeysay in ay jihaad kula jirtay dowladii xiligaas jirtay ee Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed daba yaaqadii sanadkii 2008 .

Kedib markii dagaal aan la filaneeyn uu ka dhacay magaalada guriceel ee gobolka galgaduud ,

Dagaalka ayaa waxa uu udhexeeyey Kooxdii AL-SHABAAB iyo daladii Ururkii Ahlusunah wal jameeca

Waxaa dharbaaxyo kulul kala kulmay oo weliba aan la fileynin Urukii AlSHABAAB waxaay arintaas farax gelisay dhamaan somaalia oo markaas u tag iyo tabar la’eed kooxdii SHABAAB.

Ururki AHLU SUNAH WAL JAMEECA waxaay noqdeen cudud ka aas aasanta gobolada dhexe laga bilaabo Matabaan iyo Gaalkacyo haba ku kala xoog badnaadeen meelaha qaarkood sida Dhuusa mareeb IYO Guriceel ,

Waxaay ku laa yeen madax sar sare oo ka tirsan ALSHABAB waxaay noqdeen kuwo garab ka hela ciidamadii cadowga Soomaaliya ee Ethiopia waxaa shaki weeyn ka imaaday culumadii AHLUSUNA WAL JAMEECA oo lagu yaqiin diin faafis iyo masjika waana dariiqada la aaminsanyahay in aay aheed dariiqadii soomaaliya bartay kuna dhex faafisay diinta islaamka.

Waxaay weerareen saldhigo ku yaal meelo fog fog sida degmada Maxaas, Ceel buur, Wabxo ,Dac , Wara dhuumaleh , ceel baxaay iyo kuwo kale intaba weey kala wareegeen waxayna ku dileen dad ajaanib ah oo ka garab dagaalamayey AL-SHABAB,

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga aqoonsaday caalamka waxaayna noqdeen cududka geliya ee Soomaaliya bartay in lala dagaalami karo ALSHABAB, waxaay gor gortan siyaasadeed la galeen dowladii SH SHARIIF SH AXMED marar badan ayey ku heshii waayeen balamo ay isla galeen waxaana la gaaray lugna ku yeesheen dhismihii dowlada Federalka Soomaaliya waxaay ka mid ahaayeen aas aasa yaashee /saxiixayaashi road map-ka hase yeshee diintii iyo fidinteedi waxaad ku darsataa in aay xiligaas meesha ka baxday oo aay u go’een dhanka Siyaasada,

Hubeysankii iyo Abaabulkii Ahlusuna oo markii horaba ku timid faragashi aay sheegeen in aay kooxdii SHABAAB soo fara gelisay arimihii munaaqabka iyo xernamdii masjidka ayaa waxaay ku hugaamisay AHLUSUNA in aay iska dhisaan xiriirka debada waxaay ka bilaabeen Cadowgii ummada Soomaaliya waxaa u suura gashay HUB badan iyo dhaqdhaqaaq military ,

Laga soo bilaabo sanadkii 2013 kii Waxaay noqdeen kuwo kukala aragti duwaanaada howlkalka, arimaha siyaasada, iyo la tacaamulka dowlada ,

DHISMIHII MAAMULKA G/DHEXE IYO FIRISANKII AHLUSUNAH WALJAMEECA

Ka qeyb qaadashada iyo dhismaha maamul ay u dhan yihiin dadka dega g/dhexe waxaay u aheed AHLUSUNAH burburkii iyo kalsooni kala laabadkii ugu weynaa ee soo gaara ururkaas . Sh CUMAR oo kamid ahaa saraakiisha ugu sar sareeysa ee ururkaas ayaa ka qeeyb galay shir lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya oo lagu saxiixay maamulka g/dhexe , hase yeeshee waxaa isla markiiba war fidiyeenada la hadlay SH ASHCARI oo isaguna ka mid ah saraakiisha AHLUSUNAH WALJAMEECA ,

Shiikhu waxa uu sheegay in aysan AHLUSUNAH shaqo ku laheeyn arimahaas uusana metelin SH CUMAR ,

Intaas kedib waxaa bilowdaay qeybsan u dhexeeya isla ururkaas waxaayna ukala bexeen labo qeyb , qeeb raacday maamulkii dowlada ee ka dhisnaa Galgaduud iy Qeyb la baxday magac cusub oo la yiraahdo AL SUFA,

AL SUFA

Ujeedka meesha maqaalkaan waxaan ugu dan lahaa qeybtaan ka mid ka ah URURKII AHLUSUNAH WALJAMEECA lana abaxday magcaan cusub , firqadaan waa firqo fekerka iyo hadafka ka shabahda ururka UGUS .waa koox uu hugaamiyo wadaad diimeedyo labo ah lagu kala magcaabo SH MAXAMUUD IYO SH MAXAMED SHAAKIR CALI MIRE oo ah wadaad inta badan umaddu ay dhegesan jireen wacdiyada uu soo duubo waana wadaad cod macaan oo qofkii uu wacdiyaa wax badan ka fahmayo waana nin cilmiga diinta in badan wax ka garanaya , halka wadaadka kale uu isna u yaqaanin nin cilmi badan lkn ujeedkiisu yahay xildoon ,

Dagaal ayey kooxdaan la gashay ciidamadii dowlada inkastoo dagaalku ka dhacay Degmada Guriceel iyo xarunta maamulka gobolada dhexe ee Dhuusa mareeb, deg,mada guriceel waxaa isu dhaaftay gacta dowlada iyo firqada SUFA heshiis lagu gaaray Guriceel ayaa waxaa ka mid ahaa in dowladu ay ciidankeedu ubaxaan magaalada Dhuusamareeb iyo SUFANA aay aadan deegaano aay markii hore isku aruursadeen lkn balantaas waxaa jebiyey ururka SUFA waxaayna soo jeediyeen in iyagu ay joogi doonaan Guriceel , dowladdu waxaay ciidankeedi geeysatay magaalada Dhuusamreeb waxaana halkaas lagu qabtay shrkii dib u heshiisiinta beelaha dega gobolada dhexe waxaa ka qeyb galay dhanka urur weynihii AHLUSUNA WALJAMEECA SH CUMAR, TAAR DHULEED, iyo kuwo kale, shirkii wuu gebageboobay waxaana qeybtiisii kale lagu balansanaa in aay ka dhacdo magaalada cadaado oo haatan uu weli ka socdo.

Waxaa xasuuq aad u ba’an uu ka dhacay xaduudka u dhexeeya ismaamulka soomaalida ee Ethiopia iyo shacabkii ku noolaa deegaanadaas waxaa la bireeyey caruur,haween,odayaal iyo xoolo nool nool oo la gumaaday , waxaa gurmad diray dhamaan dadkii mamulka sameeysanayey Galmudug ,caabud waaq iyo magaalo madaxda Dhuusa mareeb ciidan laga diray.

Ururkii SUFA talaab meeynan qaadin waxaase meedka la soo qowracay loogu keenayey isbitaalka isterliin ee Guriceel waxaa laga filanayey in aay maadaama ay dhihi jireen shacabk ayaan difaaceynaa waxaa laga rabay in ay shacabka difaacaan lkn cagsigeeda ayey sameeyeen 7/6/2015 waxaay dhabar jebin iyo diba maryo ku sameeyeen ciidankii dowlada oo gurmad ku aaday Furinta lagu gumaadayo birimageeydada ee aay ku dilayaan daba dhilifka Ethiopia ee liyuu police waxaayna la wareegeen caasimaddi gobolada dhexe oo isku diyaarineysay hanashada magaalo madaxda maamulkaas, waxaana qof walibo u cadaatay in aay yihiin LIYUU SUFA oo gacan siinaya LIYUU POLICE Marhadii aay joojiyeen gurmadkii shacabka loo sameeynayey . kooxdaan waa koox aan diin shaqo ku laheyn waana koox aan damiir u laheyn shacbkooda waa koox aan rabin in aay ummadda gobolada dhexe degtaa aysan weligeed hormar sameyn ,waana koox baneeysatay dhiiga shacabka deegaanadaas .kooxdaan weli caalamku ma ogaan waxa aay salku ku heyso lkn ciidamada Ethiopia ayaa loo arkaa in ay kooxdaas xariir fiican la leedahay ,

Kooxdaan waxaa la aaminsanyahay in aay ku lug leeyihiin maamulo kale oo doonaya carqaladeyna maamulka g/dhexe waxaana halkaas ka baxday magca ah CULUMADII DIINTA IYO CEEBTA SOOMAALIA

BY MASLAH XAASHI DHOORE

DHOORE46@GMAIL.COM



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip