Qormo Cajiib ah :-Mowjadaha Guushaadda''

0
Thursday June 11, 2015 - 17:54:06 in Wararka by
  • Visits: 3485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qormo Cajiib ah :-Mowjadaha Guushaadda''

    Hadaan Iftiimiyo Micnaha Mowjadaha Guushaada waa marxalado kuhor gudban Guushaada oo aadan ka Tilaabsan karin ama ka boodi karin midkoodna.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaan Iftiimiyo Micnaha Mowjadaha Guushaada waa marxalado kuhor gudban Guushaada oo aadan ka Tilaabsan karin ama ka boodi karin midkoodna.

Hadaba markeynu maskaxdeena ka shaqeysiino oo aaynu fakirno waxaynu la nimaanaa fikrad ama fikrado cusub anagoo kawarqabna in Fakirku yahay mid aan looga maarmin Maskaxda Caafimaadka Qabta Ee Qofka bini'aadanka ah.
markaynu intaa la nimaano jawaabta ay maskaxdeenu nagusoo celiso waa Hal-abuur (CREATIVITY) ha noqdo mid Aqoon inaan meel ka gaarno ah,Mid Ganasi inaan balaarino ah, Xil,Takhasus maado ama Arimo kale ujeeedkeenu ha ahaado.

Hal-abuurkaas oo anynu u arkeyno inu xal u yahay mas'alada markaa maankeena kadhex Guuxaysa wali xalka fikradaa maanu-gaarin lakiin Boqolkiiba sodon ayaan dhaqaaqnay 30% sababtoo ah Qariidadii (Map)-kii xalkaaga ama xalkeena ayaan helnay.

Maxaa xiga Marka fulintii waana tan ugu caqaba badan ee Qofka bini'aadanka ah uu Wajaho markuu layimaado Hal-Abuur waxay dhalisaa inuu halkaa uga haro arintii uu mudada ka fakirayay oo wakhti iyo juhdiba uu ku baxshay waa anaga niraahna "Hebel xaloo dhan Dabakh-buu dhisayay saakayna waa ha sheegin waxba kama hayo"

Fulintu marka waxay u baahantahay waxla yiraahdo (MOTIVATION) Dhiiranaan ama dhiirigelin.
Hadaan ku hormaro mida dhiirigelinta ah qofku haduu helo qof ku dhiirigeliya hal-abuurka uu layimid ama saaxiib hanoqdo,waalid ama walaal waxay sahlaysaa inuu sii dhaqaajiyo Gaariga guusha inkastoo mararka Qaar ay dhacdo qof fikir la yimaado qof kale ama koox kalana ay fuliso wa arin wanaagsan.

Dhiirigelinta ugu wanaagsani waatan ka Timaada (nafta) Shaqsiyada Qofka bini'aadanka ah Ee layimid hal'abuurka waa inuu isagu isku dhiirigeliyaa oo la yimaadaa Dhiiranaan oo ah tan labaad maxaa yeelay marka Aad Noqoto mid fikrad Kaduwan Dadka Abuuri kara Waa iska caadi inaad yeelato Cadow ka imaanaaya bulshada aad kudhex Nooshahay ha noqoto Qaraabo,Saaxiibo ama dadyoowga Kale Marka waxaad kaga Guulaysan kartaa inaad Ku dhiirantahay oo Aadan ka leexan dhabaha Aad adigu calaamadaysatay ilaa aad ka Gaarto Salka.

Markaad la timaado intaa oo ku dhaqaaqdo Fulintii tan xigtaa Ee aad martin karto waa xalka xisaabtii aad isku dhufsatay Qalad ama Sax laakiin labadaba Adigu Faa'iido ayaad ku Qabtaa Sabab???
Qaladka=Hadaad Qalado waxad heleysaa dhabihii Saxda ahaa Ee mas'aladan aad qaladay waana waaya aragnimo kugusoo siyaaday kugumana Qaadan doonto wakhti badan inaad hesho jawaabta saxda ah hadad isku daydo mar labaad.

Saxid=Hadaad Saxdo waxaad Heysataa xalkii aad baadi goobeysay mudada dheer marxaladaha adagna soo maray.
Maxaa xigi kara markay halkaa marayso-
99% waa (Success) waa guul
Hadaba tani waa Mowjadaha Guushaada ama Marxaladaha Guushaada waana muhiim inad Qodobeysato si aad kaga gudubto Godadka kuhor gudban Guushaada.

W/Q/ Nuur Shariif Shaacir


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip