Si marka ay Caddaalad daro iyo sadbursi meesha looga saaro, waa in la raadiyo xal dhexdhexaada oo aan cidna u xaglinayn.
Ogow Soomaalidu waa Qowmiyadda aduunka ugu sahlan in loo sameeyo nidaam cadaalad ku salaysan, marka la barbardhigo dalalka kale ee aduunka, waayo Soomaalidu waa dad isku eg oo isku midab ah, isku luuqada, isku qabiila oo Qowmiyadda Kushitigga qabiil ka mid ah weeye Soomaalidu (halkaan ka akhri buugaagtaan ka sheekaynaya in Soomaalidu kushitk tahay, waana isku diin, waxaa intaa u dheer dhul ballaaran oo ka badan baa illaahay dajiyay oo siiyay.
Marka aad cadaalad daro samaysa waxaa laga faa iidaysan karaa dulmiga aad samaysay iyadoo markaas lasoo hubayn karo qolooyinkii mudada la dulamayay (Akhri maqaalka Qaybi oo xukun).
Ninka marka ku farxa sadbursiga oo dan mooda waa ruux arragti gaaban oo aan marna ku wacyi qaadan wixii Soomaali Soomaray .
Dhowr hanaan doorasho ayaa lasoo jeediyay in xildhibaanada lagu soo xulo 2016, sida hanaanka 4.5, ama hanaanka Degmooyinkii 1990 ka horeeyay.
Laakiin dhamaan dadka indheer garadkaa waxay isku raaceen in hanaanka
xildhibaanada lagu soo xulo.
Hadaba waa maxay Caucuses .
Caucus waa hab Degmo kasta lasiinayo ergo loo qoondeeyay, dabadeedna ay argadaas ka koobantahay bulshada qaybaheeda kala duwan, sida Isimada, Haweenka, Dhalinyarada, wadaada, Aqoonyahanka.
Dabadeedna inta ergada la diinwaan galiyo meel hoola la isugu keenayo, oo ay halkaas musharxiinta u tartamaya jagada Xildhibaanka lagu tartansiinayo si ay ergadu ugu codeeyaan xildhibaanada tartamaya oo markaas kan ugu codka bata uu noqonayo Xildhibaan Qaran, iyadoo ama hab qarsoodiya ama gacantaaga ay ergadu ku dooranayaan xildhibaanka DFS, waliba inta badan hab gacantaaga oo markaas ay saxaafadda xortaa barnaamijka ay si live ah usoo gudbinayaanAkhri maqaalkanoo laqaab ah hanaanka Caucuses .
Hanaanka Caucuses ayaa doorashada lagu galaa habka asxaabta badan oo inta aanu xildhibaanku tartamin waa in uu ku biiraan mid kamida xisbiyada qaranka ee la aqoonsaday, dabadeedna uu degmadiisa isaga soo sharaxo isagoo baahinaya afkaarta xisbiga uu matalo iyo qorshaha siyaasadeed ee xisbiga uu u sharaxanyahay
Waxaa intaas dheer in lasoo jeediyay in marka ay ergooyinkaas degmooyinka loo qoondeeyay ay soo doortaan xildhibaanada 2016, in hadana hal goob oo la isku raacay la isugu keeno ergooyinkii oo dhamaan degmooyinka Soomaalaya matalaya, sida matalan Gaalkacyo,Jawhar, muqdisho, Hargaysa, Kismaayo ama meeshii lagu heshiiyo.
Waxaanse anigu aan ku dari lahaa fikirkii prof Cabdi Isaaciil in mudo cayiman sida laba casho ay dhamaan ergooyinkii Degmooyinka Soomaaliya isla goobihii deegaanadooda ee ay Xildhibaanka ku doorteen lagu qabto Doorashada Madaxwaynaha iyo doorashada Raysal Wasaaraha oo maalmo la isku raacay loo qoondeeyay, oo markaas goobahaas laga soo gudbiyo codka uu Madaxwaynahaas ka helay Degmo kasta oo sidaas Tartamaha musharax Madaxwayne ee ugu cod bata wadarta Degmooyinka uu sidaas Madaxwayne ku noqdo , sidoo kalena Raysal wasaaraha, tani oo kaba sii habboon tii uu Prof Cabdi Ismaaciil Samatar Soo jeediyay ee ahayd hal goob ha la isugu keeno ergooyinka si ay Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha u doortaan—- ogaaada Finaland Madaxwaynaha gaar baa loo doortaa Raysal Wasarahana Gaar baa loo doortaa ee Madaxwaynuhu masoo xusho Raysalwasaare, waayo wuu ku amar ku taaglaynayaa oo hadhow wuxuu oranyaa adoo miskiina anaa shaqaas culus ku siiyay markastana dhibaataa kala gaaraysa.
Dabadeedna ergooyinkaas oo lagu qiyaasay illaa 10,000 ay Madaxwaynahana Gaar u doortaan, Raysal wasaarahana Gaar u doortaan, doorashadaas oo noqon karta mid hal goob la isugu keenay ergooyinkii, ama noqon karta mid ay deegaamadooda ku dooranayaan ergooyinku Madaxwaynaha.
Ujeedada laga leeyahay in ay Madaxwaynaha doortaan Ergooyinkaas faraha badan ayaa timid kadib markii ay doorashooyinkii ugu danbeeyay ay Musharaxiintii iibsadeen codki xildhibaanka, arrinkaas oo keenay laba arrimood oo caqabad ku ah Qaran Soomaaliyeed, midka koobaad oo ah in Xildhibaankii uu hadda noqday ganacsi oo uuba marayo illaa 100 kun oo doollar, iyo Xildhibaankii oo marka danbe doonaya in uu dib usoo ceshado lacagtii uu ku iibsaday noqoshada xildhibaanimada, iyo Madaxwaynihii qudhiisa oo ay doorashada kaga baxday lacag malaayiin ah oo isna doonaya in uu lacagtii dib usoo cadeeeysto, tani oo meesha ka saaraysa in ay haba yaraatee wax hanaan dawlad wanaag meeshii ka hirgalaan, waayo haddii uu madaxwaynihii horseedi lahaa hanaan dawlad wanaag waxaa aan suurto galayn in uu soo ceshado oo cadaysto lacagtii isaga kaga baxday xiligii doorashada iyo waliba damackale oo kusii dhalankara in uu meesha kasii uruursado lacag kale oo uu ku galo doorashada soo socota, si ay marka qorshayaashaas oo dhan ugu suuroobaan waa in uu ka shaqeeyaa hab diktaatoornimo ah oo xukunka oo dhan ay isaga hoos imaanayaan si aynan cidi ula xisaabtamin.
Si marka arrimahaas looga hortago waa in ay shacabka Soomaaliyeed layimaadaan qorshayaal farabadan, waxaana ugu wanaagsan qorshe dastuur oo dhigaya ruuxii lagu qabto isagoo iibsanaya codka xildhibaanka, ama Xildhibaankii lagu qabto isagoo codkiisa musharaxa ka iibinaya markaas la duldhigo ciqaabo adag iyo xabsi iyo waliba in aanu nolashisa ka qaybqaadan karin wax siyaasadda Soomaaliya ku tacaluqa ama xitaa wax shaqo dawlaadeed, waayo soomaalidu waa baqaan ee ma xishoodaan.
Waxaa kaloo muhiima in inta aan la gaarin 2016 Dastuurka Soomaaliya lagu cadeeyo shaqooyinka Raysalwasaaraha iyo Madaxwaynaha oo Dastuurka si fiican lowgu cadeeyo, shaqada Madaxwaynaha, iyo shaqada Raysalwasaaraha si aynan isku qabqabsan.
Waxaa kale oo muhim ah in Dastuurka Soomaaliya lagu cadeeyo qaabka loo dooranayo Agaasimayaasha wasaaradaha iyo Gobalada iyo Degmooyinka oo meesha laga saaro in uu Agaasimaha soo magacaabo Madaxwaynuhu, ama Agaasimaha uu soo magacaabo Wasiirku (Akhri maqaalkan Xukunboobka Madaxda Soomaalida)
Caqabadaha ugu adag ee u baahan in sifiican looga doodo aad bay u farabadanyihiin laakiin 4 qodob baan ka taabanayaa.
1) Caqabadda koobaad ee hadda ugu wayn waxay ka taagantahay sidii la isugu raaci lahaa Degmooyinkii maadaama dagaaladii sokeeye kadib ay wax badan is badaleen, waxaanan si fiican loo hayn tira koobka saxdaa ee Soomaalida, waxaana wanaagsanaan lahayd in Soomaalida la diinwaan galiyo.
2) Caqabadda labaad oo iyana mushkiladda labaad ka taagantahay waa sida ay macquul ku noqonayso maamul Gobaleedka Puntland iyo Jubbaland iyo Koonfur galbeed oo baaxad wayn ku fadhiya iyo maamul Gobaladeedka Galmudug ama Hiiraan iyo Shabeele oo dhul baaxad yar ku fadhiya ay isku ergooyin u heli lahaayeen.
3) Caqabadda sadexaad oo iyana ay Mushkiladda sadexaad ka jirto waa halka Noqonaysa Caasimad Soomaali oo dhan ka dhaxaysa maadaama maanta Muqdishu ay noqotay magaalo ay beel gaara leedahay.
4) Caqabadda afraad ayaa noqonaysa gooni isutaagga Soomaalilandsidii xal lowgu helilahaa .
Caqabadaha kale ee doodaha fabadan u baahnaan doona ayaa ah, dhanka Candhuuraadka sida ay u qaybsanayaan dakhliga soo xarooda inta loo qoondaynayo dawladda dhexe iyo inta loo qoondaynayo DFS, caqabadda iyana dhanka qaybsiga Khayraadka dabiiciga, caqabadda daabacadaadda shilin Soomaaliga, Caqabadda hay-adaha Dawladda goobaha ay ku shaqayn doonaan ma hal goob mise goobo kala duwan.
Si kastaba ha ahaato waxaa hubaala in xal loo heli karo mushkiladda Soomaaliya haddii lahelo dad badan oo isku taxalujiya sida ugu daacadsan ee xal soomaaliyed loo heli karo.
Hanaankaan proposional represnetativewaxaa soo jeediyay in doorashada 2016 lagu galo Proff Baadiyo, Raysalwasaarihii hore ee DFS Cabdiwalihalkaan ka eeg, inkastoo ay siyaabo kala duwan usoo jeediyeen.
< Diyaariye Ibrahin Sh Mohamed Gablax gablax@yahoo.com
Doorashada 2016 sida ugu cadaalad san ee xildhibaanada loosoo xuli karo(Qormooyin iyo Aflaam)
Qormadaan waxaan ku eegaynaa 1) Miraha ay Cadaalad darada iyo sad bursigu dhalaan. 2) Qaabka ugu habboon ee xildhibaanada 2016 loosoo xuli karo 2) Aflaam