Dowladda Soomaaliya Goorma Ayey Kenya Dacwada ka Gudbin Doontaa?

0
Tuesday July 07, 2015 - 19:31:27 in Wararka by
  • Visits: 1411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya Goorma Ayey Kenya Dacwada ka Gudbin Doontaa?

    Iyadoo Xalay ay kulan yeeshteen golaha Wasiirada Xukuumada soomaliya kulankaas oo diirada lagu saaray arimaha Dacwada ku saabsan Xuduuda badda labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ka dhaxeeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo Xalay ay kulan yeeshteen golaha Wasiirada Xukuumada soomaliya kulankaas oo diirada lagu saaray arimaha Dacwada ku saabsan Xuduuda badda labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ka dhaxeeya

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Somaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Kulankii Golaha Wasiiradda ay xalay ku yeessheen warbixinno looga dhageystay Qareenno Soomaaliyeed oo dowlada u xilsaaray Dacwada la xiriirta Xuduudda Badda Somaaliyaay ay la wadaagto dowlada Kenya

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska dowlada soomaliya Maxamed cabdi xayir Maareye ayaa shirkiisa Jaraaid ku sheegay in dowlada soomaliya ay dacwadaan Gudbin doonto 13-ka Bishan July oo ku beegan Maalinta Isniinta soo socota madaama xad Gudub ay ka soo Sameysay xuduud badeedka Soomaaliya

Dhanka Kale wasiirka Warfaafinta dowlada soomaliya ayaa Beeniyay arimo dhawaan lagu qoray Jaraaidyada dalka Kenya oo ku aadanaa in Dacwad la xiriirta Xuduudda Badda Somaaliyaay la wadaagto Kenya loo xalin doono si hoose

Dowladaha Kenya iyo soomaliya ayaa wali waxaa ka dhaxeeya Muranka ku aadan Xuduudda Badda Somaaliya iyadoo dowlada Kenya ay ku doodeysa in dhulkooda uu qeyb Ka yahay Bada lagu doodaayo

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip