Madaxweynaha oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhalashada ciidul fitriga

0
Thursday July 16, 2015 - 21:56:19 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhalashada ciidul fitriga

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan munaasabdda ciidda ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu Alle ka baryay in soonkii iyo Salaaddii u ka aqba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan munaasabdda ciidda ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu Alle ka baryay in soonkii iyo Salaaddii u ka aqbalo Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa xusay in aabo kasta looga baahanyahay in uu ka farxiyo carruurtiisa, isla markaana farxadda lala qeybsado dadka aan awoodin in carruurtooda ay farxadda ciidda la wadaagaan, oo la gaarsiiyo gurmad dhinac waliba leh, si loogu muujiyo in bulshada Soomaaliyeed ay tahay kuwa isu gurmada.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Ummadda Soomaaliyeed looga fadhiyo inay iscafiyaan oo ay isa saamaxaan, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan sidii midnimadooda loo xoojin lahaa, isagoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo arrimaha dib u heshisiinta oo waxkasta lagu dhameeyo wada hadal.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip