Gudoomiye jawaari "Sanad Iyo Bil Kaliya Ayaa Inoo Haray"

0
Wednesday July 22, 2015 - 16:24:29 in Wararka by Maxamud Sh: Axmed
  • Visits: 1173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye jawaari "Sanad Iyo Bil Kaliya Ayaa Inoo Haray"

    Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay dib usoo noo laynayso hay'adahii dawligii ee dalkeena, iyada oo loo maraya habka nidaamka Federaalka ah ee ay dowladdu qaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay dib usoo noo laynayso hay'adahii dawligii ee dalkeena, iyada oo loo maraya habka nidaamka Federaalka ah ee ay dowladdu qaadatay.
"Dib u soo nooleynta dhamaan hay’adihii dowladda ee dhanka fulinta, axdigii aan Alle hortiis ku wada galnay bilowgii madashii sagaalaad, waxaa ka mid ahaa in aan xoogga saari doono dib u soo nooleynta dhamaan hay’adihii dowladda ee awoodda fulinta u lahayd adeega bulshada, waxaan idin xusuusinayaa in aanu qaadanay nidaam dowladeedka federaaliga ah, oo awoodda fulinta ay u qeyb santahay heer dowlad dhexe oo federaal ah iyo heer dowlad goboleedyo”ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhaliilay Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Waxbarashada, kuwaasoo uu xusay in Wasaaradda Caafimaadka oo kale aysan gacanta ku heyn Isbitaal dowladda leedahay oo dadka si lacag la’aan ah loogu daweeyo, sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada ayuu isna sheegay in aanay Iskuul gacanta ku heyn, oo dadka si lacag la’aan ah wax loogu baro, waxaana dhamaan adeegyadaas ku tilmaamay kuwo aas aasi u ah shacabka.

"Sanad iyo bil kaliya ayaa inoo haray, waxaa lama huraan ah inaan is weydiino maxaa dalkeena u qabsoomay dhanka horumarinta Hey’addaha dowladda, waxay ila tahay in aan arrimahan u kala qaadno, xaaladda adeegyada bulshada ee ay hayaan hadda hay’adaha fulinta ee hadda noo dhisan, federaaleynta in dalka loo dhameystiro, iyo in aan eegno hay’adaha kale ee loo baahan yahay in aan dhisno”ayuu yiri Prof. Jawaari.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip